Wararka


Abriil 2017

 

WARARKA MAANTA Abriil 25, 2017
Su'aalaha Maanta: Maxay tahay sababta hadda barnaamijka loogu fashilayo daba-dhilifiinta iyo tuugada siyaasadda Soomaaliya? Jawaabtu waa inay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan runta iyo lugooyada ay ku hayaan dadka sida dadban ugu wada noqday hoggaamiyayaal u shaqeeya kana shaqeeya danaha dalalka kale. https://www.youtube.com/watch?v=qDp64vmkhIw
Muqdisho Abriil 25, 2017
Wada-hadalkii Magaalada Muqdisho uga Furmi lahaa Dowladda Ahlusunna Waljamaaca Ee Goballada Dhexe Iyo Maamulka Galmudug ayaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo 24-kii Bishaan oo ku Ekeyd Xalay Saq-dhexe,balse ma dhicin wax wada hadal ah oo dhexmaray Labada Dhinac.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo Xalay lagu Wareystay Barnaamijka Xogwareysi ee ka baxa KNN ayaa sheegay in wada-hadalka in ay qabsoomaan ay ka suuro geli weysay dhanka Maamulka Ahlusunna.

Wasiir Taardhuleed ayaa sheegay in Galmudug ay Go’aan ku gaari doonto in ay guda gasho Doorashada Madaxweynaha Galmudug si loo sii wado Shaqada loo hayo Dadka ku abtirsada Galmudug.

Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa Garwadeen ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Dowladda iyo Galmudug ay horay ugu Heshiiyeen in Doorashada Madaxweyne ee Galmudug ay dhacdo 30-ka Bishaan.

Wariye ka tirsanaa saxaafada Soomaliya  laguna magacaabo Cabdulaahu Muuse Kalgacal   ayaa  xabsi muda Bil ah ugu xiran danbi lagu sheegay in uu shaqsi dilay  isagoona aan ilaa.iyo hada  muda bil ah la soo taagin Maxakamad.

Khaatumo State Abriil 25, 2017 Madaxweynaha dawlada Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa ka jawaabey go’aan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku amray inaysan Buuhoodle ka degi karin diyaarad aysan Puntland Arrimaheeda wax ka ogeyn

Muqdisho Abriil 25, 2017 Kalgacal ayaa u xiran  Ganacsato weyn kuwaa oo ku edeyeen in uu kiciyey qabiil hadal uu sheegan qof ku beel ah Ganacsatada lagu dilay

Wariye Cabdulaahi Muuse Kalgacal ayaa xarigiisa ka hadlin saxaafada Muqdisho iyagoo ka cabsanayo in laga jaro xaysiimaha ay siyeen raga  Ganacsatada ah  oow u xiran yahay  Wariyaha

Magaalada Muqdisho waxdeeda   cadaalada ayaa xaquuq ku laheyn dadka tabarta yar ee danbiga laga galo waxaana moodaa in ey jirin wax ka hadla dadka xaqdarada lagu xiro mudo bil ah ayuu xaqdaro ku xiran yahay waana xanuun san yahay waxaan u shegeynaah hayadaha ku shuqul leh in ey fiiriyan muwadinkas xanunsan oo hadana bil cadaalad daro ku xiran

Maraykan Iyo Midowga Afrika Abriil 25, 2017 Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee jooga magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka General Thomas Waldhauser, iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa si wada jir ah u sheegay in ku dhawaaqistii Mareykanka uu dhawaan ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u dirayo ilaa iyo 40 askari aysan micnaheedu aheyn isbadal dhinaca istaraatiijiyada ah.

Waxaysa sheegeen in Mareykanka uu ciyaari doono door caawineed oo ah in ay ka taageeri doonaan ciidanka Soomaaliya dhinacyada tababarka.

Genereal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in hadafkooda tababarida ciidanka Soomaaliya uu yahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la wareegaan aminga marka la gaaro sanadka 2020-ama 2021-ga markaas oo la filayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada.

Dhinaca kale. Ambassador Francisco Madeira,oo ah madaxa qeybta rayidka ee howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2018.

Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibadda yihiin ayaa hadda ka shaqeynaya sidi ay u tababari lahaayeen ciidamo gaaraya 28,000 oo askari oo loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga dalka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo gaaraya 22 kun oo askari. Ciidankaas ayaa ilaaliya madaxda dowlada iyo ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka sida qaar ka mid ah dekdaha iyo garoomada diyaaradaha

Muqdisho Abriil 25, 2017 Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Mudane C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa diiday dalab ugu yimid dowladda Ethopia oo ku aadan in uu booqdo Magaalada addis ababa ee xarunta dalkaas ka hor inta uusan furmin shirka Magaalada London ee 11-ka bisha soo socota.

Ilo lagu lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in saraakiil uu kamid yahay Generaal Gebre oo dowladda Ethopia inta badan ugu wakiil ah siyaasadda Soomaliya ayaa usoo bandhigay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo in uu booqdo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia inta uusan u safrin Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta keentay in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uu diido in uu booqdo Mgaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia, iyadoo madaxdii ka horeysay ay booqan jireen dalkas.

Gedo Abriil 25, 2017 Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Diyaarado Dagaal ay Duqeeyeen,waxaana halkaas la sheegay in Saldhigyo ay ku lahaayeen Al-shabaab.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dhowr Gantaal ay Diyaaradahu ku dhufteen Goobo la sheegay in lagu tuhmayey ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaha Duqeynta Fuliyay ayaan la ogeyn illaa hadda Wadanka laga leeyahay,waxaana sidoo kale Adag in Xog laha gelo Khasaaraha ka dhashay Duqeynta Maadaama Al-Shabaab ay Gacanta ku hayaan Goobta Weerarka Duqeynta ah lagu waaday.

Degaanlka War-gaduud ayaa 50 KM u jira Degaanka Ceel-cadde oo Sanad ka hor ay Al-shabaab ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.

France Abriil 25, 2017 Musharaxa midig fog ee doorashada madaxweynanimada Faransiiska, Marine Le Pen,in ayaa ka dagaysa xilka hogaamiyaha xisbiga National Front si ay diiradda u saarto ol’olaheeda.

Waraysi ay siisay Telefishin ayay ku sheegtay in aysan ahaan doonin mid dhinac u janjeerta”.

Le Pen ayaa waxa ay tartan adag la gali doontaa Emmanuel Macron iyaga oo isku wajihi doona wareegga labaad ee doorashda faransiiska oo la qaban doono laba tadabaad ka dib.

Ra’yi uruurinada ayaa muujinaya in Macron uu yahay mid ku guulaysan kara wareegga labaad ee doorashada balse Le Pen ayaa tiri “waan guulaysan karnaa,waana guulaysanaynaa”

Tallaabada ay Le Pen xilka uga dagtay ayay dadka qaar ku tilmaameen mid kumeel gaar ah.

Waxay u sheegtay telefishinka France 2 in faransiiska ay soo wajahday wakhti adag.

Le Pen ayaa sheegtay in go’aankeeda uu ku qotomo fikirka ah in madaxweynahu uu isu keeno dhammaan dadka Faransiiska ah.

“Sidaasi daraadeed, caawa laga bilaabo ma ahi madaxwaynaha xisbiga National Front, waxaana ahay musharaxa madaxwaynanimada Faransiiska” ayay tiri Le Pen.

Wariyaha Hugh Schofield in Paris ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay tahay mid ay uga gol leedahay in ay muujiso in danaha dalka ay ka fikirayso oo aysan ka fikirayn danta xisbigeeda, waxayna fariin u diraysaa cod bixiyayaasha musharaxiintooda lagaga adkaaday wareegii kobaad ee doorashada, gaar ahaan kuwa jamhuuriga ee’ François Fillon.

Baydhabo Abriil 25, 2017 Maxakamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay Magaalada baydhabo ku toogatey askari ka tirsanaa Ciidamada booliska gaarka ah ee Dowladd goboleedka koonfur galbeed Soomaliya oo horey u diley wiil iyo aabihiisa.

Askariga ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay Ciidamada booliska gaarka ah ee Dowladd goboleedka koonfur galbeed Soomaliya, kadib markii uu isku dayay in uu baxdo dilka aabaha iyo wiikiisa oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Beledweyne Abriil 25, 2017 Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen inaan la sii deyn doonin Odayaal dhaqameed ku xiran Magaaladaasi, inta laga keenayo Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo Qof shacab ah dilay.

Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne Maxamed Ibraahin Food Cadde ayaa sheegay in Odayaal dhaqameed ku heyb ah Aksari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Qof shacab ah ku dilay Magaalada Beledweyne ay hada u xiran yihiin dilkaasi, maadaama uu sheegay in ay qarinayaan Askariga.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Odayaashan ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa laga keeno Askariga, wuxuuna tilmaamay in lagu raadjoogo oo gacanta lagu soo dhigi doono.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maalin ka hor waxa ay xabsiga dhigeen tiro Odayaal ah oo hal beel ka soo wada jeeda, islamarkaana loo haysto inay keenaan Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo la hayb ah Odayaasha kaasi oo dil ka gaystay Magaalada Baledweyne.

Muqdisho Abriil 25, 2017 Guddiga Difaaca ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulanka xildhibaanada hor geyn doona mooshin ka dhan ah isku dhafka Ciidanka Soomaaliya oo ay dhawaan ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo Gudiga amniga Qaranka.

Gudoomiyaha gudiga difaaca ee Baarlamanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah isku dhafka Ciidanka Soomaaliya iyo qodobo kale oo ay ku heshiyeen madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada iyo Madaxda ugu sareysa Dalka Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise ayaa cadeeyay in ay madaxda ku heshiiyeen arin dhibaato ku ah Awood ay yeeshaan Ciidanka Soomaaliya hadii aanan laga hortagine ay ka dhalan karto dhibaato balaaran.

France Abriil 25, 2017 Qurba joogaa hadloo  yiri Qorax joogoow dalkaa bur buriseen xaq uma.lihidiin in aad xil heshaan oo ka badan Askari aan gabaad ka dhigano marka xilka weyn  askarinimo qof qurba joog idin kugu ma imanayee ku nasibsada.Qorax joogaa hadlay hadaa sidaa noo garateen ogaada idinkana in adan nasan doonin oo aad jahwareer iyo cabsi ku jiridoontaan

Qurba joogaa  qosloo yiri kkkk  anaga intaan Basabooor reer galbeed wadano dalkaan waxba kama noqoneysan ee ha is daalina  ee ku sabra xaalka sidoow u yaalo

Qorax joogaa hadloo yiri hadii aad gaalo dalka in aad u gacan galisan rabtaan inka yeeli meeno taas ee idinkana 4 sano kadib waa carari doontaa maan dalkaan aan wada bad baadino oo xilka kala qeybsano

Qurba joogaa hadloo yiri anaga gaal anaga waa na daryeeshay wax badan ino qobteen ee  dowladaha musliminta maxey ino qabteen aan tarxiil ka aheyn

waa kan haweenka iyo caruurta tarxiilaa marka in aan reer galbeed la jaan qaadno danta dalka iyo dadkaa ku jirta

WARARKA MAANTA Abriil 24, 2017
Muqdisho Abriil 24, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Saaka xukun dil ah ku fulisay 4 nin oo Shabaab ah oo ka dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Maqaayado ku yaalla  Baydhabo.

Raggaan ayaa Saaka lagu toogtay Baydhabo.

Xeerilaainta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in raggaan ay soo abaabuleen Qaraxyo ay ku dhinteen dad badan ,islamarkaana ay ka tirsanayeen Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed Abriil 24, 2017 Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xaalad adag ay heysato Shacabka ku nool degaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay go’doomiyeen degaano badan oo ka tirsan gobolada ay Maamulaan Maamulka Koofur galbeed.

Waxa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo furi lahaa Wadooyinka Xeran isla markaana ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay dhawaan in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Khaatumo State Abriil 24, 2017 Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Mudane Dr. Cali Khaliif Galayr oo waxbadan fashilay

https://www.youtube.com/watch?time_continue=12&v=f7gXwmhNBqw
Puntland Abriil 24, 2017 maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in ay sagaal askeri ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay waddo ku taalla buuralayda Galgala. Warar aanu ka helnay dhinaca saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyey dhimashada sagaalka askeri. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceeda, waxaana la sheegay inay u egtahay in uu ahaa mid laga hagayey mele fog.

Ugu yaraan shan askari oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, waana mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee lala eegto ciidamada maamulka intii ay hawlgalladu ka socdeen buuraha Galgala.

France Abriil 24, 2017 Emmanuel Macron oo siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay iyo Marine Le Pen oo siyaasaddeedu midig fog tahay ayaa isugu soo haray wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, sida ay muujinayso natiijada wareegga koobaad oo inteeda badan la tiriyay.

Iyadoo la tiriyay 96% ka mid ah codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday ayaa Macron wuxuu helay 23.9% halka Le Pen ay ka heshay 21.4%.

Aragti aruurrinnadii la sameeyay ayaa si joogto ah u muujinayay in Macron uu ku guulaysan doono wareegga labaad.

Labadan murashax ee isu soo haray ayaa hardan adag la soo galay François Fillon oo siyaasaddiisu midig dhexe tahay iyo Jean-Luc Mélenchon.

Qofkii doonaba ha ku guulaysto wareegga labaad ee codayntan ayaa xaqiijisay in dadku ay ka weecdeen xisbiyada siyaasaddoodu bidix iyo midig dhexe kala tahay oo in badan soo maamulayay Faransiiska.

Soo shaacbixidda Macron oo joogto noqotay sidda iyadoo koolo wadata

Inkastoo wakhti dheer loo arkayay in Le Pen ay kaalinta labaad ka gali doonto doorashada madaxtinimada, laakiin soo shaacbixidda Macron ayaa ahayd mid si dhakhso ah u dhacday.

Weriyaha BBC Hugh Schofield oo doorashada Faransiiska ka soo warramaya ayaa sheegaya in waxa lagu sheekaysanayo ay tahay macquulnimada in Macron uu guulaysto.

Macron oo la hadlaya dad aad ugu riyaaqsan ayaa u sheegay “Wejigii siyaasadda Faransiiska sanad ayaan ku badalnay” dadkana wuxuu ugu baaqay in ay ka soo horjeedsadaan wadaniyadda xagjirka ah.

Marcon ayaa Wasiirka dhaqaalaha ka soo noqday xukuumadda hadda jirta ee uu hogaamiyo madaxwene Francois Hollande, wuuse iska casilay si uu u billaabo xisbi siyaasadeed oo cusub.

Hadda ka hor weligii uma tartamin doorasho haddii uu guulaystana wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu da’yaraa abid ee Faransiiska soo mara.

Wuxuu taageersan yahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub, wuxuuna ku baaqay isbedel joogto ah oo lagu sameeyo dhaqaalaha Faransiiska iyo qorsheyaal maalgalin oo ay ku baxayaan balaayiin doolarka Maraykanka ah.

WARARKA MAANTA Abriil 23, 2017
Su'aalaha Maanta: Maxuu Madaxweyne Farmaajo beentiisa u qarin waayey ee safarada dibadda ku aadayo asagoo horay u weeraray Madaxweynihii hore Xassan Shiikh? Madaxweyne Farmaajo, ma qarin karaa heshiisyada qarsoodiga ah ee uu u soo saxiixay Imaaraadka Iyo Sacuudiga? Maxuu wax uga qaban layahay hay'addaha shisheeye ee sida sharci-darrada ah uga dhex shaqeeya Muqdisho? Madaxweyne Mudane Farmaajo, ma shalay ayuu qaldaan mise maanta ayuu saxan yahay? Bal ha noo sheego haddii wax si ka yihiin?
https://www.youtube.com/watch?v=KMZ6lhmXvJQa

Muqdisho Abriil 23, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in Askarta Ciidamada AMISOM ay dhibaato u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay qaadi doonto kuwa dhibaateeya Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu uga digay ciidamada AMISOM in ay sii wadaan dilalka Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Nafta Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho Abriil 23, 2017 Wasiirka hore ee Amniga Xukuumadda Soomaaliya hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in uu Madaxweynaha iyo sidoo kale Wasiirka Amniga uu kula taliyay in Al-Shabaab wadahadal lala galo.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ammaanka Soomaaliya uu ku hagaagi karo oo kaliya in Al-Shabaab hogaamiyaashooda lala hadlo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen degmooyin horay looga saaray, taasina ay tahay awood ay ku faanikaraan.

Waxaa uu xusay in uu Wasiirka cusub ee Amniga uu kula taliyay dagaalka in uu ka hormariyo wadahadal.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay fursad weyn ay siiyeen Al-Shabaab.

France Abriil 23, 2017 Ammaanka goobaha codbixinta dalka Faraciiska ayaa si weyn loo adkeeyay xilli Saaka dadka kunool Faranciiska ay doorasho u dareereen.

Doorashadaan ayaa ah doorashada Madaxweynaha Faransiiska waxaana ku hardamaya Musharaxiin gaaraya 5.

Ciidamada Boolis ah oo gaaraya 50,000 iyo  7,000 oo ah Ciidamada kale ee Faransiiska ayaa doorashadaan si weyn u ilaalinaya

Dadka codkooda dhiibanaya ayaa qaba cabsi weyn oo ah in ay dhacaan Weeraro Argagixiso.

Dhawaan dalka Faransiiska waxaa ka dhacay Weerar ay Mas’uuliyadiisa ay sheegatay kooxda Daacish.

Afganistan Abriil 23, 2017 Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ku booqday cisbitaalka qaar kamid ah Askartii dhawacyada soo gaareen

Dagaalka ayaa dhowr saacadood waxa uu ka socday magaalada Mazar-e-Sharif ee gobolka Balkh ee waqooyiga dalka.

Taalibaan ayaa salaadda Jimcaha kaddib waxa ay bartilmaameed ka dhigateen dad markaa un ka soo baxay masjid ku yaal saldhigga iyo kuwo kale oo ku sugnaa makhaayad, waxaa sidaa sheegay milateriga.

Bayaan uu soo saaray ururka Taalibaan ayuu ku sheegay inay qaadeen weerrarka, iyagoo adeegsanaya dad ismiidaamiyay si ay uga gudbaan difaaca meesha yaallay.

Qiyaas horay u soo baxday ayaa tirada dhimashada gaarsiisay ilaa 140, hasayeeshee bayaan Sabtidii ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 100 askari ay ama ku dhinteen amaba ku dhaawacmeen weerrarka.

Sacuudiga Abriil 23, 2017 Boqor Salman ka Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celiyey gunnooyinkii la siin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka dalkaas ee laga gooyey bishii Sebtember ee sannadkii hore, markii dalku qaatay tallaabooyinka lagu dhimayo kharashaadka dawladda sababtuna ay ahayd sicirka saliidda oo hoos u dhacay.

Sidoo kale qaraaro boqortooyo oo uu soo saaray boqorku ayuu xilkii kaga qaaday wasiirkii shaqada waxaanu amar ku bixiyey in la baadho in wasiirku ku takri falay awoodda xafiiskiisa iyo in kale.

Qaraarada kale ee uu soo saaray Boqorku waxa ka mid ah inuu dan jirihii dalkiisa u fadhiyey Maraykanka ku bedelay wiilka uu isagu dhalay ee Amiir Khalid.

Boqorku waxa kale oo uu amar ku bixiyey in la abuuro xarun nabad sugidda qaranka ah oo toos u hoos timaadda xafiiska boqorka.

Askarta gunooyinka dheeraadka ah la siiyey waxa ka mid ah ciidamada ku sugan furinta dagaalka xulufada Sucuudigu hogaaminayaa ka wadaan dalka Yemen oo la siin doono laba bilood mushaharkood oo dheeraad ah.

WARARKA MAANTA Abriil 22, 2017

Muqdisho Abriil 22, 2017 Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan oo ay isku naxariistaan.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in aan loo baahneyn in la sugo mar walbo kaalmo shisheeye balse shacabkan Soomaaliyeed loogu baahan yahay iney isku gargaaraan.

Waxa uu tilmaamay in tan iyo markii loo Magacaabay Xilka Ra’isal Wasaarenimo in la aruuriyay 3 Milyan oo doolar, waxa uuna sheegay in lacagtaasi ay suurta gashay in la gaarsiiso dadkii u baahnaa.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaaleyso ka qeyb qaadashada howlaha gurmadka ah ee Dalka ka socda.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Xukuumadiisa ay xooga saareyso badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameysay iyo sidii qorshe cad loogu keeni lahaa.

Degaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka jira abaar daran, waxa ayna saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool degaanadaasi.

Waxaa soconayo gurmad samata bixin ah oo ay hogaamineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho Abriil 22, 2017 Askari saakay dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa uu horay u dilay tima jare oo uu ugu tagay goobtiisa ganacsi, tima jaraha ayaa la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , waxaana ay kuu murmaan in isaga laga hormariyo macaamiisha kale, muran dheer kadib Ex-A-le- Bol. Axmed Cabdi Maadeey waxaa uu si bareer  ah u toogtay Allaha unaxariiste Tima jire Maxamed Cali Cabdalla.

ku xigeenka xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullahi ayaa warbaahinta  la hadlay kadib dilkii toogashada ahaa ee lagu fuliyay Ex-A-le- Bol. Axmed Cabdi Maadeey

“Taariikhdu Markay Ahayd 13/03/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey 28 jir ah Ina Khadiijo Kuusoow ku dhashay Bu,aale ka tirsanaa Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in  uu dilay Marxuum la oran jiray  Maxamed Cali Cabdalla , Tr. 05/01/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Afgooye, waxayna ku Xukuntay Diyadii Marxuumka .

Waxaa rafcaan ka qaatay   Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

      Taariikhdu markii ay ahayd 30/07/2016 waxay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey waxayna ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamad Cali Cabdalla.

 Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.”

UK Abriil 22, 2017 Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in Ciidamo Milatari ah ay u soo direyso Soomaaliya,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada Britain ay u soo direyso Soomaaliya ayaa ah Tababareyaal loogu talo galay in ay ka qeyb qaataan Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd Markii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay ka soo degeen Ciidamo Mareykan ah oo iyaguna ka qeyb qaadan doona Dhismaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Maraykanka Abriil 22, 2017 Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Ducaale Bayle oo ku sugan Gudaha Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Washington DC ayaa waxaa halkaasi uu u tagay arrimo ay kamid yihiin Kuwo quseeya maaliyadda iyo maalgashiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Abdiraxman Bayle oo wareysi siiyay Idaacad maxali ah oo fadhigeedu yahay Dalka Mareykankanka ayaa waxa uu kaga hadlay arimo ay kamid yihiin lacagaha soomaaliya, deymaha lagu leeyahay iyo dib u qaabeynta dhaqaalaha Dalka.

Safarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee wasiirka Maaliyada uu kaga ambabaxo gudaha Dalka Soomaaliya tan iyo intuu qabtay xilka Wasaaradda Maaliyadda waxaana horay uu u sheegay in Wasaaradda uu hor marin doono iyada oo lala dagaalamaya musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta.

Hirshebelle Abriil 22, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kaddib safar uu kaga yimid Magaalada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Qaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dagayay Magaalada Jowhar, hase ahaatee maanta aan ka dagin, iyo socdaalkii uu ku tagay Bula burde iyo waxa uga qabsoomay safarkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay diyaaradihii qaadka ee labadii maalin ka dagayay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka, isagoo sheegay in uu soo dhoweeynayo  cid kasta oo rabtaa garoomada Hirshabeelle in badeecadahooda ay ka dagsadaan ayna soo dhoweynayaan, waxaana uu sheegay in uu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu joojiyay in diyaaradaha qaadka aynan ka dagi Karin Jowhar, Misana aynan aqbali Karin in la cuna qabateeyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu  wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah  ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.

“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cosoble.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa sheegay in aynan jirin Dowlad goboleed Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxay meel uga dhici doontaa Xuquuqda Dadyowga Reer Hirshabeelle, waxaana uu carabka ku adkeeyay in laba dowlad goboleed Mid Dekado iyo Garoomo ay leedahay, Caalamkana Heshiisyo La Galeysa, Midna Maya La dhaho Midna loo fasaxo  Diyaaradaha Qadka Midna Diyaarado Kama dagi karaan la dhaho Marna Ma aqbaleyno In la cuna qabateeyo Hirshabeelle.

“Waxaan Xaqiijineynaa Cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi Karin dastuurka, Dastuurka ayaa siinaya awoodaha uu leeyahay Dowlad goboleedka, Cidna Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xuquuqdeeda kuma tuman karto” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa faah faahiyay socdaalkii uu ku tagay magaalada Bula burde uu sheegay in safarkaasi guul uu ugu soo dhamaaday islamarkaana shil ka dhacay halkaasi oo ay geysteen rag ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ay dileen askari ka tirsan Ciidamada Jibuuti Askarigii, gacan ku dhiiglihii dilayna Shalay la toogtay kaddib markii uu dagaalamay Ragii kale ee falka la geystayna Maxkamadda Ciidamada ay ku xukuntay Xukun cadaalada ah oo ay raali ka yihiin.

Jubbaland Abriil 22, 2017 Madaxweynaha Jubbaland  mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Taariikhi ah ku tagay deganka Cabdalla biroole ee Gobolka Jubada hoose.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin Ciidamada qalabka sida waxaana uu Kismaayo u jiraa 45 KM.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay Ciidamadu halkaas ku leeyahiin waxaana uu Warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo Hogaanka Ciidanka ee halkaas ku sugnaa.

Dhamaan Ciidamada Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtan ah ay leeyahiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay Amaan ugu seexan lahayeen Hooyooyinka iyo Caruurta Soomaaliyeed.

Mushaarka iyo Daryeelka Ciidanka ayuu xusay Madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana Askari walba oo ka tirsan Darawiishta uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.

MARAYKANKA Abriil 22, 2017 Dowlada Dalka Mareykanka ayaa liiska dadka ay ku daba jirto waxa ay ku dartay labo dagaalyahano oo  Canadian ah  kuwaasi oo ka dagaalama dalka Syria.

Faarax Maxamed Shirdoon oo ah soomaali canadian kana mid ah liiska shaqsiyaadka dowlada Mareykanka ay ku dartay waxa loo yaqaano argagaxisada  ayaa Dowlada Mareykanka waxa ay xustay in weeraro liddi ku ah amaanka ay qorsheynayeen kuwaa oo sidoo kale lagu eedeeyay in Kooxda ISIS ay maalgeliyaan.

Farah Mohamed Shirdon ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in uu ahaa layliye sare oo katirsan kooxda Daacsih gaar ahaan kooxda Al-Qacida xiriirka la leh ee Al-Nusra Front.

Hamza Bin Laden oo ah wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee AL-Qacida ayaa kamid ah ragga lagu eedeeyay in ay yihiin shaqsiyaad argegexiso ah.

Muqdisho Abriil 22, 2017 Dableey Hubeysan ayaa 2 qof waxa ay ku dileen inta u dhexeysa Deegaanada Dhabad iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Labadani qof ee la dilay ayaa lagu soo warramayaa in loo dilay aano Qabiil, maadaama deegaanadaasi indhawaanahan xiisado u dhexeeya Maleeshiyo beeleed ay ka taagnaayeen halkaas.

Ma jiro wax war ah oo Maamulka Galmudug ay ka soo saareen Xiisad Beeleedkaasi iyo weliba Dilka Labadaasi qof ee ka dhacay halkaas
WARARKA MAANTA Abriil 20, 2017
Muqdisho Abriil 20, 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka.

Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa.”

“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.” RW Khayre ayaa sidan yiri

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii yiri “in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii aftida shacabka turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.
Somaliland Abriil 20, 2017
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaali-land Saleebaan Maxamuud Aadan oo wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa si kulul u Canbaareeyay Mooshinkii Baarlamanka Soomaaliya ay shalay ku wareejiyeen Xukumadda Soomaaliya si ay faah faahin ugu bixiso.

Soomaali-land ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay wada dhibaataynta Hormar uu sheegay in Soomaali-land ay ka gaareyso xariirika caalamiga ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaali-land Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa yiri ” Cidna ma hor istaagi karto Heshiiska aan galnay annaga iyo Imaaraadka Dowladda Soomaaliya waxaa dhibaysa hormarka aynu ka gaarnay Dhaqaalaha iyo Siyaasadda”

Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay joojiyay Doodii ay ka yeelan lahaayeen Mooshinkii horyaalay ee ku saabsanaa Dhismaha Saldhigga Imaaraadka ee Ber Bara waxaana Xukumadda laga doonayaa in ay soo faah faahiso Qodobada Heshiiskaasi.

Muqdisho Abriil 20, 2017 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyada si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.

Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin dheer ka bixiyey shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh. Waxaana la isla gartay in 3dii biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.

Wasiirka Shaqada & Horumarinta Bulshada ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaalada shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la qiray xaalada adag ee shaqaalahu ku howlgalaan, laguna ammaanay dulqaadkooda iyo howlkarnimadooda, ayaa golahu waxuu ballanqaaday in xaquuqda shaqaalaha laga howlgalo iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha, si loo kordhiyo xirfadooda oo wax-soosaarkoodu kor u koco, oo dowladu ay hesho dakhli keeni kara in dhalinyarada loo sameeyo shaqo-abuur.

Wasiiru-Dowlaha Maaliyada oo ka warbixiyey qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa ayaa sheegay in la diyaariyey nidaam looga hortagayo lunsashada hantida qaranka, si loo joogteeyo mushaaraadka shaqaaalaha rayidka ah, in baaris iyo dabagal joogta ah lagu sameeyo sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa oo cidii lagu helo sharciga la horgeyn doono.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in wacyigelin baahsan la sameeyo oo bulshada looga digayo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa si loo ciribtiro bulshada ay door uga qaadato. Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqana waxaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo oo la ansixiyo.

Wasiirka Dhalinyada iyo Cayaaraha ayaa ka warbixisay xaalada wasaarada iyo booqashadii uu Guddoomiyaha Xiriirka Africa ku yimid Soomaaliya. Waxeyna u mahadcelisay dhammaan intii kaalinta wanaagsan ka qaadatay booqashada iyo labadii cisho ee uu joogay dalka, tanoo soo celisay sumacadii iyo karaamadii Isboortiga dalka, isla markaasna Guddoomiyaha Xiriirka FIFA uu isna soo booqan doono dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirada Haweenka & Arrimaha Xaquuqul Insaanka ayaa warbixin ka bixisay qorshaha dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha dhismaha guddigan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Muqdisho Abriil 20, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

Pakistan Abriil 20, 2017 Maxkamada sare ee dalka Pakistan ayaa shaacisay in aysan cadaymo ku filan u haynin eedaymo musuqmaasuq oo xilka laga qaadi karo raisalwasaare Nawaz Sharif.

Taas badalkeedana waxay maxkamaddu amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo lacago la xawilay.

Waxaa su’alo ka soo ifbaxeen heshiisyada ganacsi ee qoyska Sharif ka dib markii saddex ka mid ah carruurtiisa lala xiriiriyay xisaabaad bangi oo ay ku leeyihiin dibedda sida lagu baahiyay xogtii la du suyay ee Panama.

Sharif iyo qoyskiisa ayaa beeniyay eedeymahaas.

Waxay eedaymahan ku tilmaameen in ay yihiin kuwo la siyaasadeeyay.

Kiiskani ayaa ahaa mid si wayn loo hadal hayay bilooyiinkii ugu danbeeyay iyada oo la saadaalinayay in arrintani ay go’aamin karto mustaqbalka raisul wasaare Sharif.

Ku dhawaad 1,500 oo boliis ah ayaa loo daadgureeyay dhismaha maxakmadda oo ku yaala Islamabad.

Mudaaharaadeyaal isu soo bax ku qabtay meel u dhaw maxkamadda ayaa Sharif ugu baaqay in uu xilka isaga dago waxayna ku dhawaaqayeen “Xilka ka dag, xilaka ka dag Nawaz”, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Suuqyada saamiyada ayaa sare u kacay ka dib go’aanka maxkamada ee sida wayn loo sugayay.

Maxkmadda sare ayaa aqbashaday dabayaaqadii sannadkii hore in ay baaritaan ku samayso xisaabaadka uu Sharif ku leeyahay dibedda ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka uu ku hanjabay dibad baxyo wadooyiinka dalkaasi lagu qabto.

Baaritaankan ayaa diiradda lagu saarayay lacago loo isticmaalay hanti looga iibiyay London iyada oo la isticmaalayo shirkado Pakistaan dibadeed ka dhisan.

Gabadha uu dhalay Sharif ee Maryam ah ayaa la sheegay in ay quud daraynayso in ay siyaasadda meel sare ka gaarto halka wiilashiisa Xasan iyo Xuseen-na eedeeyn loo soo jeediyay.

Image captionMaryam Sharif ayaa la sheegay in ay tahay lataliyaha ugu dhaw ee aabaheed

Sharif ayaa sheegay in hantidiisa uu ku helay wado sharci ah. hase yeeshee dadka dhaliila ayaa sheegay in shirkado dibada ah loo adeegsaday qarinta lacagtaas ama laga cararay in canshuur la bixiyo.

Golaha maxkamada sare oo ka kooban 5 xubnood ayaa ku kala qaybsamay gudoonka maanta oo khamiis ah , laba garsoore ayaa ka soo horjeedsaday raisul wasaraha balse sadax garsoore ayaa amray in baaritaanno dheeraad ah la sameeyo.

Xisbiga Pakistan Muslim League – (PML-N) ayaa bogaadiyay go’aanka kuna tilmaamay guul halka gabadhiisa Maryam ay barteeda tweetar-ka ku soo qortay “Mahad oo dhan alle ayay u sugnatay.”

Muqdisho Abriil 20, 2017Xarakada Al Shabaab ayaa waalidka Soomaaliyeed uga digay in ay carruurta ku daraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

Afhayeenka Al shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cajal 26 daqiiqo ah ayaa sheegay in carruurtu ay aadi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kali ah, maadaama oo kuwa kale aysan wanaagsanayn oo sida uu hadalka u dhigay carruurta ku dhaliyaan in ay qiimo layeelato Kiristaannimada iyo in ay u haajiraan reer Galbeedka.

Wuxuu sheegay in cid kaste oo ka qaybqaadata waxbarasho faafinaysa dhaqanka reer Galbeed in ay la kulmi doonaan cawaaqib.

Garabka waxbarashada iyo arrimaha dhallinyarada ee Al Shabaab ayaa bishan horraanteedii soo saaray manhaj cusub oo luuqaddii Ingiriiska ku badalaya Carabi.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al Shabaab ay isku dayayso in ay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, ayna rabaan in ay maskaxda ka badalaan si ay u noqdaan kuwo taabacsan oo aan su’aal ka keenin afkaartooda dagaalka ku dhisan.

Al Shabaab ayaa wali maamusha qaybo badan oo dhulka Soomaaliya ah waxayna weerarro ku qaadaan qaar ka mid ah dalalka ay dariska yihiin.

WARARKA MAANTA Abriil 18, 2017
Su'aalaha Maanta waxay ku saabsan yihiin Dowladda Wada Dadban: Waa maxay sababta Wariye Nadaar Iyo Saxiibkiisa inay kashifaan sir culub iyo bayaanin heshiisyada si qarsoodiga loo soo sixiixay? Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo oo soo booqday qabrigii ninkii dhisay Imaaraadka? Maxuuse u soo booqan waayey qabriyada shiikhyada/mashaa'iqda Ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo diinta si weyn ugu fidiyey dalka Soomaaliya? Mise Qabriga Imaaradka ayaa ka lacag badan kan dadkii ahaa mashaa'iqda dalka Soomaaliyeed? https://www.youtube.com/watch?v=RujA3vmSqhQ
Muqdisho Abriil 18, 2017Xildhibaano.ka tirsan barlamaanka Soomaliya ayaa aad u dhaliilay wada shaqeyn.la aanta kala dhaxeysa  Ra iisal wasare Xasan Cali Kheyre iyagoona xataa balamada uu laleeyahay ku war galin  in uusan soo xaadireynin oo waliba xildhibaanada meel cidlaa.ku ku i lobaya anan ogeyn ama daneneenin in u qof labalamay iyo in kale .markoow yimadaana uu qolkiisa iska galaayo uusan siineynin ixtiraam shaqsiyadeed o u kulaha qofki xilibanka aha ama shaqsigii masulka ahaa. Xildhibaanadaan ayaa amanay madaxweyne Farmaaje  sida uu uga soo baxo balanta uu u sameeyo Xildhibaanada laakiin dhaliilay Ra iisal wasaraha oo kuntilmaameen shaqsiga ugu liito inta ra iisal wasare ee  soomartay dalka

Xildhibanadaan ayaa Ra iisal wasare Xasan Cali Kheyre u sheegay xiligaa uu raadinaayey kalsoonida uu har iyo habeen la.shiraayey xildhibanaada lakiin xiligaan uu albaanada ka xirtay waana tan hada keentay in uu sii xumaado xiriirka  Barlamaabka iyo xafiiska Ra iisul wasaraha

Xildhibaanada ayaa durba bilabay shir hoose ay ka yeelanayaan Ra iisulwasaraha.kuwaa oo doonaya in ay Mooshin ka.keenaan taa oo sharciyeen karto markoow Ra iisul wasaraha 6 bil shaqeeyo.markaas oo mooshin laga keeni karo
Guuxa Xildhibanada ayaa ah mid aan sahlaneen oo buuq ka dhex abuuri karo labada haya adood  ee dalka looga baahan yahay in ey dalka samata bixiyaan anaga o hoos u waresanay xildhibanada aya waxey ino shegeen inta moshinkaas diyar la ah in ey tahay 168 xildhibaan. ayaga o ku sifeeyeen qeyre in uu meel cilda ah u wax ku wado oo xeer hosaadka somalida wax ku mamuleysay u kaleexday gabi ahan ba

Guuxa  mooshinka.looga soo horjeedo Raiisal wasaaraha sida wararku nagu so garayan waxa hogaminaya Xisbiga Daljir oo awood muuqata ku leh Barlamaanka gudihiisa iyo xildhibano kale oo uu si khalad ah iyo qadarin la aan ah oo uu ula dhaqmay kheyre

Si kastaba ha ahatee waxaa moodaa in shaqada xiligaan loo dhiibay Ra iisal wasaraha ay tahay mid ku culus oo qaadi.la yahay

ayada o ey ka tanweyn tahay shaqada culus e lodhibay iyo waya aragnimadiisa waana mida kentay is dhexyaaca iminka tagan.

Muqdisho Abriil 18, 2017 Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhaliilay dowladda Turkiga in Mashaariicda ay siiso Soomaaliya ay yihiin kuwo kaliya laga fuliyo Muqdisho.
C/wali Gaas ayaa sheegay in Turkiga ay yihiin dad niyad wanaag u haayo Soomaalida, balse ay wax badan ka qaldan yihiin qaabka ay u shaqeeyaan, maadaama uu xusay inay Soomaaliya ay tahay Federaal
Muqdisho Abriil 18, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojinayso tababarada la siinaayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan tababarayaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka soo saarista Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo si heer sare ah loo tababaray.

Sarkaalkaasi oo wareysi siiyay TV-ga CNN  ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Soomaalida laysku dari doono tababaro iyo sidoo kale qalabeyn.

“Taliska Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika waxaa ka go’an soo saarista iyo sidoo kale tababarida Ciidamo tayo leh oo ka hortagga Weerarada Al-Shabaab, Ciidamada Soomaalida waxaa si gaar ah uga taageeri doonaa qalabeynta” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

War Saxaafadeed dhawaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo xeelad looga hortagi karo Weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa awood dheeraad ah siiyay Ciidamada ku sugan Qaaradda Afrika  si ay amar la’aan u beegsadaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab.

Sidoo kale dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo Mareykan ah oo kuwaa soo tababari doonaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya

Muqdisho Abriil 18, 2017Madaxweynaha Jamhuuriyada fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in mdaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ay ku heshiiyeen in laga wada tashato danaha guud loona midoobo sidii hormar loo gaarsiinnlahaa dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in loo baahanyahay iskaashi iyo in laga wada shaqeeyo danaha guud ee dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay qaataan kaalintooda, si  buu yiri meel looga soo wada jeesto hormar gaarsiinta dalka.

Muqdisho Abriil 18, 2017 Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa guddi uu hor kacayo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay wadahadalada Ahlu sunna iyo Galmudug, si loo soo afjaro tabashada ay qabto Ahlu sunna, loona aado doorashada madaxweynaha cusub Galmudug ee la filayo inay dhacdo 30-ka Bishaan April.

Kheyre ayaa la sheegay inuu la kulmay madax ka tirsan Ahlu sunna oo uu kala hadlay arinta wadahadalalada labada dhinac oo ay dowladu dadaal ugu jirto sidii la’isugu keeni lahaa Ahlu sunna iyo Galmudug.

Wasiirka arimaha dibada iyo kan arimaha gudaha ee Juxa ayaa dhax dhaxaadin doona wadahadalka, si ay uga soo baxday natiijo wax waxtar leh, waxaana la filayaa in dhawaan toos uu u bilaawdo wada hadalka labada dhinac.

Muqdisho Abriil 18, 2017 QM iyo xubnaha beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ku dhiseen golaha amniga qaranka iyadoo ay sii dheertay go’aano kale ay kasoo saareen sidii looga jawaabi lahaa musuq maasuqa iyo arimaha abaaraha dalka ka taagan.

Qaraaradani ayaa imaanaya laba maalmood ay kulan ku lahaayen Muqdisho madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Meykal Keating wakiilka xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in arintaan ay horey u sii dhaqaajinayso geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxana ay aas aas u tahay soo celinta amaanka dalka.

Golahaan ayaa waxaa hogaan u ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed.

Keating oo sidoo kale ah madaxa siyaasada QM ee Soomaaliya ayaa sheegay inay beesha caalamka sii laba jibari doonto taagerada Dowladda Soomaaliya.

Bayaankaan waxaa si wadajir ah u soo saaray dowladaha saxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah sida QM,AU,IGAD,EU,Talyaaniga Ethiopia,Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan.

Muqdisho Abriil 18, 2017 Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaraddaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo xilligaasi ku jiray howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

6Z0A7056

6Z0A7074

Muqdisho Abriil 18, 2017 Maamulka Ahlusuna oo Loogu Baaqay in uu Ka Shaqeeyo Midnimada Gobolada Dhexe

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , iyo Hirshabelle ayaa kula taliyay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca in uu ka shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadka gobolada Dhexe islamarkaan Gobolada Dhexe loogu sameyn hal maamul oo lagu mideysan yahay.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , iyo Hirshabelle ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlusuna Waljmeeca Shiikh Axmed Shakir Cali Xasan in uu ka shaqeeyo rabitaanaka Shacabka Gobolada Dhexe islamarkaana uu ka mira dhaliyo wada-hadalka uu la galo Maamulka Galmudug oo Xarun kmg u ah Magaalada Cadaado.

Kulanka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Ali Khayrre,wasiirkiisa arrimaha dibada Yusuf Garaad, wasiirka arrimaha gudaha MrJuxa, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , Hirshabelle iyo Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Shiikh Shaakir, oo isaga ahaa madaxa wafdiga caawa soo dhaweynta loo sameeyey balse Galmudug’ laguma casumin kulanka, maadaama labada dhinac wali wadahadalkooda uusan bilaaban.

Maamulka Gobolad Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa horey ugu xumaaday doorashadii sanadkii 2012-kii ka dhacay Mgaalada Cadaado ee Lagu dhisay Dowladdgoboleedka Galmudug, taasina waxa ay keentay in maamul la Magac-baxay gobolada Dhexe laga dhiso Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Dhuuso-mareeb.


WARARKA MAANTA Abriil 16, 2017
Su'aasha Maanta: Ma waxaa la qarin karaa runta Wariye Carab ka sheekaynaayo? Waa khalad weyn in Agaasimihii Guud Mudane Bahalaawe laga qaado jaggaddiisa si xaqd-arro ah ayadoo Wasiirka Warfaafinta ka musuqmaasuq badan yahay oo dacwado maxkamado shisheeye ah ay ku soo qoreen joornaalo badan oo caalimi ah? Haddii aad
Agaasimihii Guud Mudane Bahalaawe ka qaaday ma waxaad umalaynaysaa in la qarin karo runta iyo waxa ka socda musuqmaasuqa dalka ka socda?
 https://www.youtube.com/watch?v=NTeGr0jYyJk

Muqdisho Abriil 16, 2017 Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo xalay la wareegay xilka ayaa waxaa uu sheegay in uu waxbadan uu kusoo kordhin doono horumarka Caasimada.

Mudane Taabid ayaa sheegay in xoogga saari doono sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo inta badan ay ka dhacaan Falal lidi ku ah Ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday xuquuqda gobolka Banaadir ka maqan , waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in reer Muqdisho ay yeeshaan Xuquuqda ay leeyihiin dad kale.

Gudoomiye Thaabid ayaa xusay in Magaalada Muqdisho ay gaari doonto Horumar dadka oo dhan ay wada dareemi doonaan.


Abriil 2017

 

WARARKA MAANTA Abriil 04, 2017

Maraykanka Abriil 04, 2017 Dowlada Maraykanka ayaa kala laabatay lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jirtay laanta dadwaynaha ee Qaramada Midoabay islamarkana taageerada siin jirtay barnamijka qorshaha qoyska guud ahaan caalamka .

Tilaabadan ayaa hay’adani qaramada midoobey waxa ay ku luminaysaa sanadkan oo kaliya lacag dhan 32 milyan oo doolarka maraykanka ah .


Abriil 2017

 

WARARKA MAANTA Abriil 03, 2017
Su'aalaha Maanta: Maxay qaban kartaa Dowladda Wada Dadban ee uu Madaxweynaha ka yahy Mudane Farmaajo? Meeqo safar ayaa la aaday muddo laba toddobaad/asbuuc ah? Maxuuse qaban karaa Raysal Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo tuugtii rabtay inay si sharci-darro ah ku dhacaan khayraadka Ummadda Soomaaliyeed ee Illaahay ku mannaystay? Maxaa horumar laga sugaa nin shalay laba mar xil wasiirnimo ku soo fashilmay oo musuqmaasuq baahsan galay? Wa nasiib darro in dadka musuqmaasuq hareeye ay haanta yihiin wasiiro balse waxaanu ka war sugnaaba waa inay wax sii khalibaan. Illaahayoow Ummadda ka qabo tuugadan!
Muqdisho Abriil 03, 2017 Ururka Argagixisada Al-shabaab oo bandhigtay Muuqaal la daawan karo muddo 7 daqiiqo ah ayaa waxaa kasoo muuqanaya maxbuus kenyaan ah oo lagu qabtay dagaalkii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Muuqaalka waxaa kasoo dhex muuqanaya David Ngugi Wataari, oo ka Tirsanaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM islamarkaana ka Tirsanaa guutada 120-aad ee madaafiicda, Waxaana uu dhashay gobalka Kiyaambu ee dalka Kenya, sida uu sheegay.

Askarigaan u dhashay dalka Kenya ayaa fariin u diray Dowladiisa iyo qoyskiisa waxa uuna ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii loogu badbaadin lahaa gacanta Xarakada Al-shabaab oo horey u dishay askar u dhalatay dalalka Burundi iyo Uganda.

“Markale waxaan heystaa fursad aan idinkula hadlo hadaad tihiin dadka reer Kenya, anigoo dalbanaya caawinaadiina,Sidaad ogtihiinba, 15-kii bishii January ee sanadkii la soo dhaafay Waxaa magaalada Ceel-cadde nagu soo weeraray Al-Shabaab kuwaas oo ugu dambeyntii saldhigeena la wareegay, cagtana mariyey xerada iyo wixii ku jiray, qaar badan oo saaxiibadeena ah wey dhinteen, Anaguna Al-Shabaab ayaa gacanta nagu dhigay, anagoo maxaabiis dagaal ah”, ayuu yiri David Ngugi Wataari.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin maxbuuska ay ka haystaan Xarakada Al-shabaab.

Muqdisho Abriil 03, 2017 Bilihii lasoo dhaafay waxaa madaarka diyaaraddaha Muqdisho laga soo dejinayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si qasab ah looga soo celiyay dalka Mareykanka. Hadaba waxaa amuurtaasi dib usoo celinta ay dhalisay in dhaliilo loogu jeediyo safaaradda Somalia ee Mareykanka oo saxiixday documentiyo lagu celinayay dhalinyaradaasi Soomaaliyeed, inkastoo safiirka Somalia ee Washington Axmed Ciise Cawad uu beeniyay inay ku lug leeyihiin dib u celintaasi, laakiin dadka lagu celiyay dalkooda ay yihiin kuwo maxkamad go’aamisay oo isugu jiray kuwo dambiyo galay iyo dad si sharci daro Mareykanka ku galay.

Qeybo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee isagoo ka tiinadeysan laga dejiyay Muqdisho ayaa sheegay in ay eedsanayaan Safaaradda Somalia, gaar ahaan Safiirka Axmed Ciise Cawad iyo nin kale oo magaciisa uu ku sheegay Robit oo ka shaqeeyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, howshiisana ay intaasi tahay. https://www.youtube.com/watch?v=pVCuMdjo5aI

Yurub Abriil 03, 2017 Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da ayaa berrito Shirweyne Caalami ku yeelan doona Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Belgium ee Brussels, kaasi oo looga hadli doono xaallado badan oo ku aadan Dalalka Carbta, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia, Syria, Libya iyo Yemen.

Madaxa EU=da ugu qaabilsan Siyaasadda iyo Ammaanka, Federica Mogherini ayaa Kulankaasi gudoomin doonta

Kulankaasi ayaa waxaa intiisa lagu lafagurayaa sidii loo taageeri lahaa dalka Syria, wuxuuna Kulankaasi hordhac u yahay Shirweyne kale oo bishan April 4-da ilaa 5-da looga hadli doono Arrimaha dalka Syria.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd waxay berrito Kulan Qado ah kaga hadli doonaan Macluusha ka jirta Somalia.

Wasiiradda waxaa u qorsheysan inay soo saaraan Bayaan ay qeybo ka mid ah kaga hadli doonaan Aragtidooda ku aadan Shirweynaha looga hadli doono Arrimaha Somalia, oo ay Dowladda Britain marti gelin doonta bisha May ee soo socota.

Kulankaasi ayaa ku soo beegmao, iyadoo ay Dowladda Britain ka baxday EU-da oo la asaasay bishii November 1-dii ee sannadkii 1993-kii.

Somaliland Abriil 03, 2017 Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw Isku shaandheyn ku sameeyey xubnaha golaha Xukuumadiisa, waxaana laysku bedelay Wasiiro kuxigeeno, iyadoo sidaas oo kalena la magacaabay Wasiiru dowlayaal cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland ka qaaday Cabdiweli Seed Cilmi, wuxuuna u magacaabay Dr Nuur Axmed Yuusuf oo horey u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Mr, Seed ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wasiiru dowle cusub oo loo sameeyey, waxayna kala yihiin.

Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka & Isgaarsiinta.

Cabdifitaax Nuur Ashkir Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Somaliland Abriil 03, 2017 Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Somali-land ay ku dhow dahay In joojiso Mashaariicdii Horumarinta heliska abaarta darteed.

Cabdiraxmaan (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somali-land ayaa sheegay in deegaano ka Tirsan Somali-land ay haatan ka taagan yihiin abaaro xoogan islamarkaana laga cabsi qabo in Somali-land oo idil macluuli ka dilaacdo.

“Abaartu way soo noqnoqotay sannadahan danbe iyada oo aan abaartii sannadkii hore laga soo waaqsan ayaa abaartanina ay dhacday oo roobabkii Gu’ga ee la heli jirayna ay yaraadeen, iyada oo culaysku jiro haddana Somaliland afarta gobol ee bariga abaar ba’an ayaa haysata”.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Somali-land wuxuu sheegay inkastoo Somaliland tahay maamul gooni isu taag ah, haddana dedaal ugu jiro samato-bixinta bulshadeeda ku tabaalowday abaaraha.

“Waxaannu nahay dawlad yar oo curdin ah oo aan caalamka awood dhaqaale oo badan ka helin, laakin intii itaalkayaga ah waanu dedaalay markii ugu horreysaybana lacag dhan laba milyan oo doollar ayaanu helay oo dadka aanu u siinay waxay cunaan iyo waxay cabaan inta wax kale ay na soo gaadhayaan.”ayuu yiri C/raxmaan Saylici.

Puntland Abriil 03, 2017  Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Soomaliya inay ka gaabiyeen balanqaadkii ahaa in wax loo qaban doono shacabka Soomaliyeed ee abaarta ay saameysay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay in dadka Puntland kusoo qaxay iyo kuwii horey u joogayba ay dhimanayaan, haddii aysan helin gargaar deg deg ah.

Waxa uu sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya in ay gargaar si joogto ah u gaarsiinayaan xarumo kale oo maamul goboleedyadda ah islamarkaama Puntland ay tahay meesha ugu badan ay ku sugan yihiin dadka abaarta ay saameysay.

“Hadii aan la helin kaalmo deg deg ah malmaha soo socda waxaa dhici doonta in dad badan ay u dhintaan Gaajo iyo haraad, madaxda Dowladda Soomaliya waxa ay ku mashquulsan yihiin meelo gaar ah, waxba masoo kordhinayso in lagu raaxayso xarunta dalka ee Muqdisho, ama in lagu dhex shaqeeyo meel ay ku xiran yihiin Qaboojiyayaal”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland eng Camey.

Maraykanka Abriil 03, 2017 Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in dalka Mareykanka oo keliya uu u diyaar garoobi doono sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa khatarta nukliyeerka ee kaga imaan karta dalka Kuuriyada Waqooyi.

Trump oo wareysi siiyay wargeyska The Financial Times ayaa laga soo xigtay isagoo leh in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo.

Tijaabadii nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ee dhawaan ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping kahor kullanka toddobadkan ka dhacaya gobolka Florida.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweyne Trump ayaa haatan ku howlan sidii uu u dhameystiri lahaa tallooyin dhowr ah oo ku aadan xaalada kuuriyada waqooyi kahor inta aanu Trump safarkiisi ugu horeeyay ku tagin qaarada Asiya.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa isna waxaa uu dhankiisa sheegay in siyaasadii reer galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul dareysatay 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horaantii sannadkii hore ayay aheyd markii golaha amnaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada jir ah u cambaareeyeen dowladda Kuuriyada Waqooyi oo xiligaas tijaabisay gantaallada riddada dheer.

Waxaana xukuumadda Pyongyang oo dhowr jeer tijaabisay gantaalo nukler ah ayaa lagu eedeeyay inay faraha kula jirto qorshe halis ah oo aad u xun.

Hasayeeshee Pyongyang waxa ay dhankeeda sheegtay in tijaabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

 
 Maamulka Gobalada DhexeAbriil 03, 2017 Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa isku badal xilal Gudoomiye iyo magacaabis cusub loogu sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Maamulka Ahlusuna.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyayaal cusub u magacaabay Degmooyinka Dhuuso Mareeb, Gurceel, iyo Matabaan,waxaan qaarkooda horey usoo qabteen xilal Gudoomiye.


Abriil 2017

 

WARARKA MAANTA Abriil 2, 2017

Su'aalaha Maanta: Maxay qaar kamid ah Ciidanka ay u afduubeen wariyaha u shqaynayey Idaacadda Goobjoog? Xaggeese lagu xiray? Yaase ka dembeeyey in la xiro wariyaha? Maxuu galabsaday/ Ma waxaa la diidan yahay inuu runta sheego?
Muqdisho Abriil 2, 2017 Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir Kooxo Hubeysan oo gaari watay ayaa goordhaweyd weerar waxa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xu


Maarso 2017/March 2017

 

WARARKA MAANTA Maarso 22 2017

Su'aasha Maanta: Maxay tahay sababta ay qaar kamid ah wasiiraddii shalay la magacaabay inay isku-calisaan si deg dega ah? Maxaa wasiiro horay musuqmaasuq iyo wax qabad la'aan ugu soo guuldaraystay in mar kale wasiiro loo magacaabo? Maxaa ka khaldan Mudane Madaxweyne Farmaajo? xaa ku khasbay inuu wasiiro u soo magacaabo wasiiro horay ay Qaramadda Midooway u kashifeen musuqmaasuqooda baahsanaa? Ummadda Soomaaliyeed Iyo Bulshadda Caalamka waxay degdeg kalsoonida iyo dhaqaalaha ka joojin doonaan Dowladdan Wada Dadban ee lagu soo wada aruuriyey dad qurbo-joog ah kuwaasoo horay wasiiro hawlahoodii ku guuldaraystay soo noqday!

Kampala Maarso 22, 2017 Maxuu u kashifay sir badan safiir ku-xigeenka Dowladda UK ee Soomaaliya? https://www.youtube.com/watch?v=BoSChGar6w8

Muqdisho Maarso 22, 2017 Ra’iisul Wasaaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay Wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Caawa Booqday Cisbitaalada la Dhigay Dadkii Ku Dhaawacmay Qarax lala beegsaday Difaaca ay Ciidamada Ammaanku ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaalada Muqdisho.

Cisbitaalada uu booqday Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen Madiina iyo Ordugan, isagoo midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Mudane Kheyre ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka Ee Cisbitaaladaasi, wuxuuna ka dalbaday in dag dag loogu soo gudbi


Maarso 2017/March 2017

 

WARARKA MAANTA Maarso 07, 2017

Su'aasha Maanta: Maxay umaleeyaan inay cashuurta shacabka Muqdisho oo kaliya ay ka biilaan Dowladda Wada Dadban Mudane Farmaajo Iyo Mudane Khayre? Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare aan tagi karin magaalo madaxda Dowladda Gobaleedka Somaliland miyaa nabad iyo musuqmaasuq la'aan ku maamuli kara Muqdisho oo ay xuquuqdeedii xaqireen? Meeqo jeer ayuu Xoghayihii hore Qaramadda Midooway Mr. Ban Ki-moon yimid Muqdisho? Maxuuse ku soo hordhin karaa imaanshaha Xoghayaha Qaramadda MidoowayMr. Antooniyo Guterees oo maanta Muqdisho soo booqday?


Maarso 2017/March 20172

 


WARARKA MAANTA Maarso 06, 2017


Maarso 2017/March 2017

 

WARARKA MAANTA Maarso 04, 2017

Su'aasha Maanta: Haddii adigoo Raysal Wasaare ka ah waddan aad maamuli waysay oo aad xaday lacago farabadan sida Raysal Wasaarihii kaa horeeyey ee khaa'inul waddanka noqday Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake? Ma maantay oo aad Madaxweyne ku noqotay laaluush iyo wax isdaba-marin ayaad xal u keeni doontaa Ummadda Soomaaliyeed Mudane Farmaajo? Siro badan oo culus uu kashifay Madaxii Maamulka Dhaqaalaha Xafiiska Raysal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali kaasoo kadib kuu noqday Madaxii Maamulka Dhaqaalaha Xafiiska Raysal Wasaarihii hore Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo haatan ah Madaxweynaha Dowladda Wada Dadba


February 2017

 

WARARKA MAANTA Feebaraayo 28, 2017

Su'aasha Maanta: Mudane Madaxweyne Farmaajo, waxaa xaqiiqo ah in aadan waxba ka qaban karin abaaraha dalka? Lacagtii Ummadda Soomaaliyeed loogu tallogalay ayaa hay'addo qaatay oo ku isticmaala dalaka deriska iyo meelo kale taasoo uu la qaraaban jiray Raysal Wasaaraha aad hadda magacaawday ayaa weli Soomaaliya ku sii haya fowdo dhan walba leh? Maxay kula tahay inay shirar la qabto wax ka qabanayso Ummadda Soomaaliyeed ee abaaruhu baabi'iyeen ayaga iyo xoolahooda? Labada gole ee dalka waxaa laga rabaa inay tallobo sharci ah ka qaadaan dadkan codsiyada beenta ah diyara iyo ku Ummadda Soomaaliyeed u sheegaya yabooha beenta taasoo lagu sii lugooynayo Ummadda Soomaaliyeed?

Muqdisho Feebaraayo 28, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shir looga hadlaayo abaaraha dalka ka jira waxaa uu kaga qeyb galaya xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane.

Waxaa ka qeyb gali doona Shirkaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ayaa inta uu socdo waxa lagu falaqeyn doonaa Abaaraha dalka ka jira.

Shirkaan ayaa imaanaya xilli Abaaraha ka jira dalka ay sii baahayaan , islamarkaana kumanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan abaaraha.

Muqdisho Feebaraayo 28, 2017 Maalinta Arbacada ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 1/3/2017 waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmaya Kalfadhiga kowaad ee mudanayaasha baarlamanka Soomaliya.

Kalfadhigaas ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Raisulwasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in shaqada ugu horeysa ee Barlamaanka Soomaaliya uu qaban doono marka uu isku soo laabto ay noqon doonto ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Haduu helo codka kalsoonida Xildhibaanada baarlamanka Soomaliya waxa u soo dhisi doonaa Xukuumadda Soomaliya, hadii dib loo celiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo

Sacuudiga Feebaraayo 28, 2017Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig militry ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.

Warbixintaan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Warbixinta ayaa muujinaysa in Farmaajo uu arimahaasi kala hadlay ee saldhiga Militry ee Imaaradka ku xigeenka dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis waxana goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada Sacuudiga Cadil Axmed Al-jebeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaradka uga tanasulo saldhiga Militery ee Berbara ka hirgalainayo.

Puntland Feebaraayo 28, 2017 Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago oo hadda ku xiran Magaalada Boosaaso.

Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu kasoo muuqdo Maxkamad ku taalla Magaalada Boosaaso.

Xariga Nabaddoonka ayaa yimid ka markii uu booqasho ku tagay Xabsi ay ku xiran yihiin 7 dhalinyaro ah oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah , islamarkaana uu warbaahinta u sheegay in uu soo Arkay jirdil Ba’an oo loo geystay intii dhalinyaradaasi ay xabsiga ku jireen.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay si weyn uga Carooday hadalka Nabaddoonka , islamarkaana ay xabsiga dhigeen.

Xukunka lagu riday dhalinyaradaasi todobada ah ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan waxgaradka gobolka Bari oo sheegay in xukunka uusan aheyn mid Caddaalad ah.

Dhalinyarada ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso , waxaan Maxkamadda Ciidamada Puntland ay ku riday xukun dil ah

Puntland Feebaraayo 28, 2017 Xildhibaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ayaa Mooshin ka keenay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Xildhibaanadaan oo ku sugan Garowe ayaa ah kuwo Mucaarad ah oo ka soo horjeeda Xukumadda uu HogaamiyoMadaxweynahaPuntland C/wali Maxamed Cali.

Waxaa ay ku Eedeeyeen in Xukumadda C/wali Maxamed Cali Gaas aysan wax badan qaban islamarkaana ay Waqtigeedii ku lumisay Waxyaabo aan Micno la heyn.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Maalmahaan Joogay Boosaaso ayaa Safar Deg Deg ah ku yimid Garowe si uu u Xaliyo Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada qaar ee Puntland

Puntland Feebaraayo 28, 2017 Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisadaha maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Magaalooyinka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiisadahaasi ay ka dambeeyaan kooxo danley ah oo doonaya in ay dhibaateeyaan shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in lala xisaabti doono dadka dhibtaada ka wada degaanada maamulka Puntland.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay Mooshin ay ka keeni doonaan Madaxweyne Gaas ka dib markii dayacay shaqada Puntland.

Sidoo kale Ciidamo ka gadoodsan ayaa maalmo ka hor qabsaday qeybo ka mid ah Magaalada Garoowe.

Magaalada Boosaaso waxaa sidoo kale ka taagan xiisad u dhexeysa shacabka iyo sidoo kale ciidanka Puntland oo ku aadan Xarig loo geystay Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago.

Muqdisho Feebaraayo 28, 2017 Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa Goordhaweyd furay shir soconaya hal maalin oo loogu hadlaayo Abaaraha dalka ka jira.

Shirkaan ayaa ka dhacaya xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galaya dalalka deeq bixiyaasha iyo mas’uuliyiin kale, waxaa looga hadlayaa sidoo kale sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo gaarsiin karo dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha halakeeyen.

Madaxweynaha Somaia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa shir guddoomin doono Shirkaan, waxaana Warbixin la xiriirta xaalada Abaaraha dalka ka taagan laga dhageysan doonaa Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, sidoo kalena madax ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer qaran.

Shirkaan waxaa horey u iclaamiyay Madaxweynaha Somaiya Maxamed C/llahi Farmaajo, kadib markii uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta sare sare oo qaramada midoobay ka socday

Muqdisho Feebaraayo 28, 2017 Maamul Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in uu wada-hadal la furo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusun Waljameeca oo siyaasad ahaan aan la dhacsaneen Maamulka Galmudug oo si KMG ah ugu shaqeynaya Cadaado.

Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo kamid ah baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wada-hadal ay la furi doonaan Maamulka Ahlusuna Waljmeeca.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ahlusuna laga qancin doono waxa walba ay ka tabanayaan Maamulka Galmudug oo 19-kii bilood aynu soo dhaafnay uu hogaaminayay C/kariin Xuseen Guuleed oo todobaadkaan gudihiisa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

Dhanka kale Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo kamid baarlamanka Galmudug ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku nool deeganada ay maamulaan ahlusuna Waljameeca ay xiligaan ka jirto abaar tii ugu xumeyd
Muqdisho Feebaraayo 28, 2017 Degmada waabari Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in goordhaweyd agagaarka Xarunta UNICEF uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku xirnaa gaari uu watay mid ka mid ah Ganacsatada Soomaliyeed, oo isla durbadiisa halkaas ku geeriyooday.

Ma Cadda qofka saarnaa gaariga iyo halka uu u shaqeynayay, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in gaariga uu bur bur xooggan soo gaaray.

Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaliya ayaa goobta gaaray, kuwaasoo wada baaritaano la xiriira qaraxan ka dhacay Degmada Waabari

WARARKA MAANTA Feebaraayo 27, 2017

Su'aasha Maanta: Mudane Madaxweyne Farmaajo, ma waxaad umalaynaysaa shaqsi dembi-baaris caalami ah lagu furay inuu rajo fiican u keeni doono Soomaaliya haddii aad u magacaawday Raysal Wasaare? Ma u malaynaysaa inay labada gole ee Dowladda Cusub ansixin doonaan shaqsi tuhun weyn ay gelisay bulshadda caalamka ee uu la soo shaqaynayey? Waxaan kuu ballanqaadaynaa inaysan bulshadda caalamka iyo hay'addo farabadan aysan wax dhaqaallo ah siin doonin dadka iyo dalka Soomaaliya waayo shaqsigan aad magacaawday wixii ay Qaramadda Midooway ka qoreen waad ogaatay, waxaan kuu caddaynaynaa inuu wax deyn ah aysan Soomaaliya ka heli doonin bangiga caalamiga iyo hay'addo kale oo dowladdeed oo farabadan. Rajadii shacabka Soomaaliyeedna hadda waxaad dhumisay 60%, waxaana ka war sugi doonaa wixii intaas soo raaca.

https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/regional-risks-somalias-moment-hope

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017 Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Soomaliya ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo ah Wadatashi uu kala sameynayo Xildhibaanada Xukuumadda uu soo Magacaabi doono.

Mr Xasan Cali Kheyre ayaa ku qancinaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay Ansixiyaan si uu u soo Magacaabo Golo Xukuumad oo tayo leh.

Shalay ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu Muqdisho kula kulmay Xildhibaannada laga soo doortay Maamulka Hirshabelle sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa hortagi doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed si uu Kalsoonidoda u weydiisto.

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig militry ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.

Warbixintaan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Warbixinta ayaa muujinaysa in Farmaajo uu arimahaasi kala hadlay ee saldhiga Militry ee Imaaradka ku xigeenka dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis waxana goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada Sacuudiga Cadil Axmed Al-jebeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaradka uga tanasulo saldhiga Militery ee Berbara ka hirgalainayo.

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017 Inta la ogyahay Sedex ruux ayaa ku Geeriyootay dabkii Saakay aroortii ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha Oo ay Gubteen Qeybo kamid ah Suuqaasi.

Waxana lagu Guuleystay Daminta Dabkaasi oo aad u xooganaa Sida ay Xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Daminta Dabkaan ayaa la sheegay in ay ka qeybqaateen dabdmisyo farbadan iy ciidamada Amaanka oo iyagu sugayey Amaanka goobaha ay kasocotey baqtiinta dabkaasi weynaa ee baa’ bi iyey qeybo badan o suua ka mida.

Boosaaso Feebaraayo 27, 2017 Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay ciidamo ka tirsann Puntland lagu weeraray Bam gacmeed Khasaare geystay.

Sidoo kale Magaalada Boosaaso ayaa xalay laga maqlay Rasaas dhaceysay Muddo ka badan 30 daqiiqo.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa Saakay aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Cali Kamiin ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen Gaari ay saarnaayeen dabley hubeysan.

Ciidamada dowladda ayaa ka shakiyay Gaariga ay saarnaayeen dabley hubeysan , waxaana ay ku fureen Xabado.

Ciidamada dowladda ayaa dhaawacay mid ka mid ah dableydii hubeysnayd, waxaana ay soo qabteen qori uu watay mid ka mid ah Dableydii Gaariga saarneyd.

GalmudugFeebaraayo 27, 2017 Madaxweynahihii Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimada Galmudug Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa ayaa xildhibaano ka tirsan Galmudug waxaa ay sheegeen in ay doonayaan in ay qaban qaabiyaan doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in ay doonayaan in doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay dhacdo 20 Bisha March ee sanadkaan 2017-da.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in doorashada ay qaban qaabin doonaan xildhibaanadii horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Waxaa uu xusay in Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug in ay soo gaareen Magaalada Cadaado.

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017 Taliyaha Taliska Dhexe Milliteriga Maraykanka ee Afrika (US Africa Command), General Thomas Waldhasuer ayaa hadalkaasi sheegay, iyadoo ay Waaxd Gaashaandhiga Maraykanka doonayan in Awoodda loo kordhiyo Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan gudaha Somalia.

Taliyahaasi waxa uu tilmaamay inay Maraykanka u arkaan Fusad muhiimn ah inay la shaqeeyaan Madaxweyne Farmajo, si loo tababaro Ciiddanka Ammaanka Somalia heer ay awoodi karaan inay qaadaan mas’uuliyadda Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Hadalka Taliyahaasi ayaa yimid, iyadoo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka loo gudbiyey Codsi ku aadan in la kordhiyo Awoodda Ciiddanka Maraykanka ee Dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabab.

Awoodahaasi ayaa la sheegay inay ka mid tahay in la kordhiyo Tiradda Ciiddanka Maraykanka ka joogo Somalia iyo in Hawlgalladda noqdaan kuwo looga hortagayo Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Dadaalka lagu xoojinayo Awoodda Milliteri Maraykanka ee Somalia ayaa timid, iyadoo Mdaxweyne Donald Trump ka codsaday Pentagon-ka sidii loo ballaarin lahaa qorshaha Dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Kooxda Daacish-ta ku sugan dalalka Syria iyo Iraq iyo sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha kale, sida Alqaacida iyo Ururradda kale ee Isbahaysiga la leh

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo oo ah Muwaadin haysta Dhalashadda Maraykanka ayaa sheegay inay ugu yaraan 20-sanno qaadan doonto sidii Somalia loogu soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Xasilloonida dhamaystiran.

Somalia waxay ka mid tahay 7-da Waddan ee Muslimka ee uu Madaxweyne Donald Trump bishii hore ku soo rogay Xayiradda Socdaalka ee ay ku tegi jireen Maraykanka.

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig militry ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.

Warbixintaan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Warbixinta ayaa muujinaysa in Farmaajo uu arimahaasi kala hadlay ee saldhiga Militry ee Imaaradka ku xigeenka dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis waxana goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada Sacuudiga Cadil Axmed Al-jebeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaradka uga tanasulo saldhiga Militery ee Berbara ka hirgalainayo kadib marki Barlamanka Somaliland ay ansixiyeen heshiiska Somaliland iyo imaaradka ee quseeya dhismaha saldhiga taa oo ay madaxda Soomaaliya ka carootay kuna tilmaamen inaysan ahayn mid sharci ah

Muqdisho Feebaraayo 27, 2017Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimacaale ayaa Gaaray Suuqa weyne ee Bakaaraha , halkaasi oo uu ka socdo dab xooggan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la furo wadooyinka waa weyn ee soo gala Suuqa Bakaaraha, Maadaam ay doonayaan in ay badbaadiyaan hantida ku gubanaysa Suuqa Bakaaraha.

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha saaka salaadii Subax, ayaa weli ka socda Suuqaasi, waxaana uu ku sii fidayaa goobo hor leh oo ganacsi, kuwaasi oo saameyn ballaaran uu ku yeelanayo dabka.

Dabka ayaa markii hore wuxuu ka kacay Suuqa Khaliifa ee ku dhex yaalo Suuqa Bakaaraha, wuxuuna dabka ku fiday, qaybta Maacuunta, qaybta Malabka, Qaybta Dahablaha, hadana waxaa la soo sheegayaa dhanka Sarta Cali Dheere dabka inuu ku sii fidaayo.

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha saaka salaadii Subax, ayaa weli ka socda Suuqaasi, waxaana uu ku sii fidayaa goobo hor leh oo ganacsi, kuwaasi oo saameyn ballaaran uu ku yeelanayo dabka

WARARKA MAANTA Feebaraayo 24, 2017
Sir Culus
Su'aasha Maanta: Madaxweyne Mudane Farmaajo, ma waxay kula tahay inay saxan tahay soo magacaabida Raysal Wasaare khaa'inul waddan ah oo dembi-baaris weyn ku socoto taasoo Guddiga Dembi-Baariska Qaramadda Midooway ee Soomaaliya U qaabilsan Iyo Hay'adda Dalka Ingiriiska u qaabilsan daba-gelka musuqmaassuqa khatarta ah ee “United Kingdom's Serious Fraud office (SFO)” ay si weyn wali u baarayaan dembiyadda uu gelay Raysal Wasaarahan hoggaamin doona Dowladda Wada Dadban? Qosolka adduunka ninkan Raysal Wasaaraha cusub loo magacaabay ayaa horay waxuu xilka soo qabtay shirkadda Soma & Oil Company oo ay aasaaseen niman cadaan ah kuwaasoo heshiisyo qarsoodi ah la galay shirkaddo kale iyo dowladdo kale marka haddii uu haatan iska-casilay waxaa weli cad in lagu daba-joogo ama la baarayo dembiyadda uu horay u gelay balse waxaa labada gole laga ee xilidhibaanada iyo Ummadda Soomaaliyeed laga sugayaa inay ka fiirsadaan shaqsi si aysan u burburin Dowladda Wada Dadban oo haatan saaran bohol culus oo aan laga soo qaban doonin.

Mr. Khaakhaan oo tallo u soo jeediyey Ummadda Soomaaliyeed

https://www.facebook.com/118371971858464/videos/393516554344003/?hc_ref=NEWSFEED

https://www.youtube.com/watch?v=YKcJZJcOEHk

Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta soo cumreysanaya, kahor inta aanu booqan Magaalada Madiina Al-munawara oo uu ku yaallo Qabriga Nabigeena Muxamad (NNKH).

Muqdisho Feebaraayo 24, 2017 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay gaaray waddanka Sucuudiga, kaddib markuu caasumaad rasmi ah ka helay boqorka Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz Aala Sucuud.

Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada Amiir Maxamed Bin Naa’if iyo qaar ka mida golaha Wasiirada Sacuudiga, waxayna labadan masuul ka wada hadleen, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasada iyo Arimaha Bulshada.

Warbixinta warkan waxaa Dalka Sacuudiga inooga soo diray Wariyaheena C/qaadir Qeyska.

Muqdisho Feebaraayo 24, 2017Afhayeenka xisbiga Fremskrittspartiet FrP ee (cunnsuriyiinta) Mazyar Keshvari ayaa soo jeediyay in baasa-boorka Norwegian-ka laga qaaddo Ra’iisul wasaarraha cusub ee Soomaaliya Hassan Kheyre. Sida lagu qoray wargeyska NK waxaa Sababta ay ku sheegeen mucaaradka in baahidii loo siiyay meesha ay ka basday oo isku dhiibay inuu maganlgalyo doon aha balse hada uu noqday Ra´sal wasare iyo inu sharciga heysashada labada dhalasho ay dalkaas mamnuuc ka tahay (dual citizenship) .

Lama oga sida ay talo soo jeedinta xisbiga mucaaradka u sameyn doonto Kheyre waxaase la sheegayaa in mucaaradka dalkaas ay xooganyihiin oo ay socodsin karaan aragtidooda.

Muqdisho Feebaraayo 24, 2017Farmaajo ayaa si toos ah ugeli doona Kacbada, isagoo gudanaya Acmaasha Cimrada, wuxuuna halkaasi ku sugnaan doonaa dhowr saacadood oo ah inta uu soo dhameysanayo Cibaadada, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal halkaasi ku sugan.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa kadib waxa uu dib ugu soo laaban doonaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wadooyin badan oo ku yaalla Magaalada Riyaadh waxaa lagu xardhay Calanka Soomaaliya oo ku lamaaneysan Calanka Sacuudiga, taas oo looga gol lahaa soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada Amiir Maxamed Bin Naa’if iyo qaar ka mida golaha Wasiirada Sacuudiga, waxayna labadan masuul ka wada hadleen, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasada iyo Arimaha Bulshada.

Muqdisho Feebaraayo 24, 2017 Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay shirkadda Soma Oil and Gas, kadib Qoraal ay soo saartay shirkadaasi oo ay ku cadeyneyso warkan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ahaa Agaasimaha fulinta Afrika ee shirkadda Soma Oil and Gas, waxaana is casilaadiisa ay timid, markii loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu shirkaddan ku lahaa Mudane Khayre saami dhan 1.1%, kaas oo u dhigma 2 Milyan oo Dollar, isagoo sidoo kale iska casilaya kana baxaya Guddiga sare ee maamula shirkadda Soma Oil and Gas.

Mr. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaliya ayaa ah nin dhalinyaro ah oo 49-sano jir ah, isagoo la soo shaqeeyay Hay’addo Caalami ah oo Qaramada Midoobay hoostaga, waxa uu sidoo kale ahaa shaqsi si dhow ula socday siyaasadda Soomaliya sanadihii aynu soo dhaafnay

Kenya Feebaraayo 24, 2017 Booliska Dalka Kenya ayaa baaritaano ku haya toogashada bahalnimada ah ee shalay loo geystay 3 Qof, kaas oo ka dhacay Hotel Iqlaas oo ku yaalla Magaalada Gaarisa Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, gaar ahaan meel ku dhow soohdinta Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Booliska dadka la toogtay dhamaantood in ay ka shaqeynayeen Hotelka, ayna yihiin dadka Degaanka, sidaasi darteedna ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilkan.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa James Kianda oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in mid ka mid ah dadka la toogtay dhaawac ahaan goobta looga qaaday, hadana uu ku jiro Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaarisa, si xaaladiisa caafimaad loogu dadaalo.
“Waxa ay aheyd dhacdadan mid naxdin badan, waxaan ku boorinayaa xubnaha ka tirsan dadweynaha in ay feejignaan dheeri ah galaan, maadaama aan la ogeyn xilliga ay weerarka soo qaadayaan Dableyda dilalka geysata, Booliska ayaa baaritaano wada” Sidaasi waxaa warbaahinta Gaarisa u sheegay James Kianda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa James Kianda ayaa sheegay weerarkan in uu u badinayo in ay fuliyeen jihaadistayaal ka tirsan ururka Al-shabaab, maadaama nimanka weerarka fuliyay madaxyada ay ugu duubnaayeen maryo.

Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo dilal toos ah ka fuliyaan Magaalada Gaarisa, waxaana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee halkaasi ka dhaca uu ahaa midkii jaamacada Gaarisa, kaas oo dhacay 2-dii April 2015-kii, waxaana ku dhintay 148 Qof

Buuhoodle Feebaraayo 24, 2017 waxaa magaalada laascaanood caasimada dawlad goboleedka khaatumo ka dhacay shir balaadhan oo ay soo qaban qaabiyen bulshada caasimada. Shirka ayaa u jeedkiisu ahaa baaq loo diraayo beelaha Khaatumo Cabdi garaad Qayaad iyo maxamed garaad baharsame in ay joojiyaan Dhiiga sokeeye daadanaya.

Muqdisho Feebaraayo 24, 2017 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Xasan Xaamud ayaa ka shalaayay hadal uu ku taageeray Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu socday ololihii Doorashada Madaxweynaha.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeya Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo oo bishii December ka hadlay Munaasabada 73-guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa qarsan waayay taageerada uu u hayay Xasan Sheekh

”Madaxweyne codka saraakiisha booliiska adigaa iska leh oo ku tashanaya, Waxaa saraakiisha booliiska labada Aqal kamid noqday ku jira Generaal Cabdi Qeybdiid oo Aqalka sare ku jira, Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Shariif Sheekhunaa Maye oo isna Aqalka hoose kamid ah iyo Labo Xidigle dhawaan booliiska kusoo biiray Maxamed Ibraahin Diyeeshe oo isna Aqalka hoose kamid noqday, Codadka saraakiishaas adigaa iska leh oo ku tashanaya” Ayuu yiri Taliyaha booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Xaamud ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadalkaasi uu ku taageeray Madxaweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa uuna tilmaamay xiligii uu hadalkaasi ka dhawaajinayay in uu aad u faraxsanaa.

”Warka sidaan u iri iyo sida loo fasiray isku mid maahan , hadalkan aan ku taageeray Xasan Sheekh waxaa iga keentay farxad, waxaana maalintaasi ku dhacay hadal qadaf ah” Ayuu yiri taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo aamnisanaa in mar kale dib loo dooranayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib kala xumaatay hadalkii uu ku taageeray, waxa uuna muujiyay sida uu hada uga xun yahay hadalkasai kasoo yeeray.

Hadalkaasi uu ku taageeray Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Madaxweynihii hore ayaa sabab u noqday in doorashada Madaxweynaha aan lagu qaban xarunta Iskool buluusiya oo horey loo qorsheeyay in ay ka dhacdo, kadib markii Musharaxiin badan kasoo horjeesteen.

https://www.youtube.com/watch?v=anJFGr3NPwA

WARARKA MAANTA Feebaraayo 23, 2017

Muqdisho Feebaraayo 23, 2017 Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray magaaladas Riyadh ee dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan la qaatay boqorka dalkaas Salmaan Bin C/casiis.

Farmaajo waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka arrimaha dibedda iyo maalgashiga caalamiga, C/salaan Hadliye, La-taliyayaasha Madaxweynaham sida Fahad Yaasiin, C/risaaq Axmed, Agaasimaha Madaxtooyadda iyo Safiirka Somalia u jooga Scuudiga, Daahir Maxamuud Geelle.

Dhinaca Sacuudiga waxaa qeyb galay dhaxal-sugaha Boqortooyadda, Amiiro, Wasiiradda Arrimaha gudaha, dibedda, maaliyadda, Warfaafinta, Awqaafta iyo Brotokolka ee Boqortooyadda iyo xubno kale.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihin xiriirka labada wadan, Iskaashiga gobolka ee la-dagaalanka Xuutiyiinta iyo taageeradda Sacuudiga ee dowladda Federalka ee dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha, Ammaanka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku macluulsan gudaha Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulamo kale la qaato madaxda Sacuudiga ka hor inta uusan u soo gudbin magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ku soo gudan doono cimrada.

|| Soo Booqo Mar Walba WidhWidh Online||

Xasan

Muqdisho Feebaraayo 22, 2017Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya[ waxa uu u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxaana maalmahan hadal heyntu ay aheyd xilliga la magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha.

Warkan waxaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay Ilo wareedyo muhiim ah oo ka akdhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saakay u duulay wadanka Sacuudiga, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Maalinimadii shalay aheyd ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa lagu Caleemo saaray Magaalada Muqdisho, waxaana Munaasabadaasi ka soo qeyb galay Madax ka tirsan dalka Afrika.

https://www.youtube.com/watch?v=tlriFdNUDe8&feature=youtu.be

Muqdisho Feebaraayo 22, 2017 Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko ayaa sheegay in aysan ka labolabayn doonin difaaca xuquuqda aadanaha

Dawladda Maksiko ayaa cambaaraysay hannaan cusub oo uu soo saaray Maraykanku kaas oo lagu musaafurinayo dadka aan sharciga haysanin ee soogalootiga ah.

Qorshaha uu soo bandhigay maamulka Trump Arbacadii ayaa lagu musaafurin karaa qof kaste oo si sharci darro ah ku jooga dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko Luis Videgaray ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqbali doonin “go’aan kaste oo dawlad kale iskeed u qaadato”.

Murankan ayaa yimid iyadoo labo sarkaal oo sarsare oo Maraykan ah ay qorshaynayaan in ay booqdaan Maksiko.

Aqalka Cad ee looga rrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Rex Tillerson iyo wasiirka amniga gudaha John Kelly ay saraakiisha Maksiko kala hadli doonaan ayna ka wada shaqayn doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa shuruucda cusub ee laanta socdaalka.

Kelly ayaa la kulmi doona saraakiil aad uga soo horjeeda qorshihiisa

Waxaa ka mid ah qorsheyaal lagu dhaqan gelinayo sharciyo haddda jira oo la xiriira arrimaha socdaalka Maraykanka iyo jinsiyadda kaas oo xukuumadda u ogolaanaya in ay Maksiko u masaafuriso dadka soo galootiga ah iyado aan la fiirinaynin meesha ay ka yimaadeen asal ahaan.

Ma cadda in Maraykanku uu awoodo in uu dawladda Maksiko ku qasbo in ay aqbalaan ajaaniib.

Laakiin Videgaray ayaa sheegay Arbacadii in aysan aqbali doonin sababtuna ay tahay in aysan la gudboonayn wax dan ahna aysan ugu jirin arrintaas.

c Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa sheegay in Dowladiisa ay ku dadaaleyso nabadeynta Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in beelaha dega Magaalada Gaalkacyo ay heshiis rasmi ah kala dhex dhigi doonaan islamarkaana uu ka shaqeyn doono nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha Soomaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ku dadaalayo in colaad kale aysan ka dhex bilaaban beelaha Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan suurta gal ahayn in weli ay kala qeybsan yihiin ayna ka shaqeyn dooonaan isku soo dhawaanshaha beelaha soomaaliyeed.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dajin doonto Siyaasad Cad oo ku Wajahan Abaaraha daran ee Dalka ka jira, Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeyn doonaan ka hor taga Abaaraha ayna ka shaqeyn doonaan u gurmashada dadka Soomaaliyeed.

Qaramadda Midooway Feebaraayo 22, 2017 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadi shalay ka digay in 20 Milyan oo ruux oo ku nool afar wadan oo ay Soomaaliya ku jirto ay qarka u saaran yihiin macluul, hadii aysan Bulshada Caalamka ka hortagin arrintaasi.

Mr. Guterres ayaa sheegay in Malaayiin ruux ay xaaladoodu hadda u dhaxeyso nafaqa darri iyo geeri, islamarkaana ay u nugul yihiin cuduro, halka kuwo kalana ay nafta ku qasabtay inay qashaan xoolahoodii si ay cunto uga dhigtaan.

Dhinaca kalana, bayaan Arbacadii shalay si wada jir ah ay magaalada Muqdisho uga soo sareen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia, ayaa si cad loogu qeexay xaaladda ay ku jiraan kumanaan qof oo Soomaali ah oo ay saamaysay abaarta daba dheeraatay oo keentay macaluul dadka qaarkoodna ay nafaqo darro iyo cuduro is biirsaday u dhimanayaan.

Madaxdan ayaa bayaankooda ku saleeyay baaq ay u dirayaan Beesha Caalamka si loogu soo gurmado dadka ay waxyeeladu gaartay.

Muqdisho Feebaraayo 22, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga, Kadib markii uu marti qaad ka helay Boqorka Sacuudiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaana qaar ee Labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeeka uu Madaxweynaha u aaday Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay arrimo ku aadan Cimreysi, waxaana uu u soo duceynayaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida ay Risaala u sheegeen Saraakiil ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan noqonaya midkii ugu horreeyey ee uu ku aado dalka dibaddiisa, tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay, isagoo halkaasi kula soo kulmi doona madaxda dalka Sacuudiga.

WARARKA MAANTA Feebaraayo 22, 2017
Su'aasha Maanta: Lacagta Caleema-Saarka maxaa biyo iyo cunto loogu gadi waayey Ummaddda Soomaaliyeed ee abaaruhu baabi'iyeen ayaga iyo xooloodaha? Maanta waxaa la caleemo-saarayaa Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Wada Dadbana Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka sugayso inuu soo magacaabo Raysal Wasaare Cusub oo soo dhisi doona Golaha Wasiiradda ee Dowladda Wada Dadban haddii Alle Idmo!
https://www.youtube.com/watch?v=WCYmiN48vNA
Muqdisho Feebaraayo 22, 2017 Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqidsho.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tgirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka, Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galaya xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo maanta ka dhaceysa Magaalada Muqidsho.
Sidoo kale goor dhow waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo degi doona wufuud caalami ah, kuwaas oo ka qeyb galaya xaflada Calemo Saarka Madaxweynaha.
Muqdisho Feebaraayo 22, 2017 Hay’adaha Q.M. ayaa ka dalbanaya deeq bixiyayaasha caalamiga ah lacago si loogu dar dar galiyo howl gallo caawimaad naf bad baadin ah oo laga sameeynayo goobaha ay abaaruhu ku dhufteen ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaas oo malaayiin qof oo gaajeysan ay qarka u saaran yihiin geeri iyo xanuuno kale, sida aya hay’aduhu ku warameen.
Shan sano ka dib, Abaartii ba’aneyd ee Soomaaliya ku dhufatay 2011, taas oo dishay dad lagu qayaasay 260 kun oo qof oo Soomaali ah, ayaa markale waddanku wuxuu dhexda uga jiraa musiibo abaar kale oo daran.
Meelaha ugu darran ee ay abaaruhu ku dhufteen ayaa kala ah deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland, halkaas oo durba laga soo warinayo dhimasho iyo xanuuno ka dhashay macluusha.
Afhayeen u hadlay hay’adda Q.M. u qaabilsan qaxootiga, Leo Dobbs, aya sheegay in ay Axaddii ka war heleen warar sheegaya in 38 qof ay dhibaatooyin abaaraha darteed ay ugu dhinteen gobolka Bakool.
Q.M. ayaa sheegtay in lix milyan iyo laba boqol oo kun oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan abaaraha jira. Hay’adda Unicef waxay iyana tilmaamtay in carruurtu ay yihiin kuwa ugu jilicsan ee ay abaartu halista ugu jiraan.
Muqdisho Feebaraayo 22, 2017Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iminka soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo xafladda lagu maamuusayo caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa ka mid ah wafuudda lagu casuumay inay ka soo qeyb galaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana iminka garoonka ka socda soo dhaweynta wafuudda heerka caalami ee ka soo qeyb galaysa xafladda lagu maamuusayo caleemo saarka Madaxweynaha.
Muqdisho Feebaraayo 22, 2017 Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa haatan kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Uhuru Kenyatta oo la filayay inuu ka baaqan doono safarkiisa ayaa goordhow waxaa ay diyaarad qaas ah keentay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Kenya ayaa Muqdisho uyimid ka qeyb galka xaflada caleemo saarka madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Ra’isul Wasaarre ku xigeenka DF Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha Kenya oo kusoo biiray madax horey utimid Muqdisho oo ay kamid yihiin madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geelle iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn
Muqdisho Feebaraayo 22, 2017 Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo madax ka ah qeybta Joqraafiga, bii’ada, iyo arrimaha bulshada ee jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka sidoo kalana dhawaan ahaa guddoomiyihii guddigii Ansharaxa Doorashada ayaa sheegay in Guddigoodu qaban waayay musuq iyo lacago lagu bixiyay doorashda. Prof-ka ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsata inuu geedsinimo muujiyo is markaasna uu qirto wixii dhacay iyo laaluushkii la bixiyey sidoo kalana uu dadka cafis weydiisto.
Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay haddii uusan Farmaajo sidaas sameyn ay aamini doonaan in wax la hoosaasiyey intii ay socotay doorashadii dalka ka dhacay.
Hadalkaan ayuuu Cabdi ismaaciil ka sheegay barnaamij ka baxayey idaacadda VOA gaar ahaan qeybteedsa ku hadasho afka Soomaaliga.
Ugu dambeyntii wuxuu soo jeediyey inaan dowladda cusub lagu dhisin hanaanka qabiilka, isagoo ka dhawajiyey haddi dowladdaan fashilmato ay Soomaaliya dhan fashilmatay.

WARARKA MAANTA Feebaraayo 21, 2017

Raysal Wasaare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa noqon doona Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo horay u soo noqday Taliyaha Hay'adda Nabad-Sugidda Qaranka, Soomaaliya waxay u baahan tahay waddani geesi ah oo cadowga sokeeye iyo kan shisheeyeba la xisaabtami kara kaasoo u shaqayn kara Ummadda Soomaaaliyeed.

Su'aasha Maanta: Madaxweyne Mudane Farmaajo, Shacabaka Soomaaliyeed ma rabaan inay Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay siyaasadda faraha la galaan sida uu Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xaamud uu faraha u la galay xilligii ay soctay ololaha doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya? Waa run inuu xad gudub weyn sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xaamud markii uu si bareer ah u sheegay xildhibaanno katirsanaan jiray iyo kuwa hadda ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya inay u codeeyaan Madaxweynihii hore Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka codsatay inuu shaqada iskaga tago maadaamo 4 sanno waxba ku qaban waayey.

IMF Feebaraayo 21, 2017 Hadal ka soo baxay Hay’adda Lacagaha Adduunka (The International Monetary Fund) ee IMF ayaa lagu sheegay in laga yaabo inay Deyn-bixiyayaasha Somalia ka cafiyaan Deymaha lagu leeyahay oo dhan 5.3 Billion oo Dollar.

Tallaabadaasi ayaa looga dan leeyahay sidii horey loogu sii wadi lahaaa Isbedelka Dhaqaalaha Somalia iyo Hagaajinta Maamulka Dowladnimo.

Somalia oo ay ku-dhawaad 30-sanno ka socden Dagaallo Sokeeye ayaa waxa Cafinta ugu horreysay laga filayaa Hay’adda IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, sida uu shaaciyey Wakiilka Hay’adda IMF ee Somalia, Samba Thiam.

Waxa uu sheegay inay jirto Rabitaan Guud oo ka imaanaya Deyn-bixiyayaasha oo doonaya inay cafiyaan Deynta lagu leeyahay Somalia, isla markaana ay taasi tahay Rajo Wanaagsan.

Dalkeenna Somalia waxa uu ka mid yahay Dowladihii ugu dambeeyey ee ay Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka ka qafiifiyeen Daymaha lagu leeyahay dalalka ugu saboolsan Caalamka ee aan iska bixin karin Deymaha culus ee lagu yeeshay.

Dhinaca kale, Wakiilka Hay’adda IMF ee Somalia, Samba Thiam waxa uu tilmaamay in Somalia laga taageeri doono sidii loo soo daabici lahaa Lacago cusub oo Shillin Soomaali ah.

Waxa uu xusay in Lacagaha haatan ku jira Suuqa ay 98% yihiin kuwo been abuur ah oo aan sharci ahayn, wuxuuna tilmaamay in 2% Lacagta laga isticmaalo Somalia tahay mid sax ah oo la daabacay sannadkii 1991-kii.

Muqdisho Feebaraayo 21, 2017 Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya xalay waxaa ka dhacay kulan xasaasi ah oo dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Odayaal, xidhibaanada labada gole ee beesha Habargidir kaasi oo loogu hadlayay Arrimo dhowr.

Xubnaha la kulmay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa si weyn ugu hadlay sida loogu baahan yahay in dalka uu isbadal ka dhaco islamarkaana Jagada Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya loo dhiibo beesha Habargidir,madaama aysan xilkaan qabanin muddo aad u fog.

Dhanka kale Odayaal, iyo xidhibaanada labada gole ee beesha Habargidir ee la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kala hadlay sidii loo sii deyn lahaa islamarkaana xuriyadiisa loo siin lahaa Shiikh Xasan Daahir aweys oo dowladda Soomaliya isku soo dhiibay sanadkii 2013-kii.

Xubnahaan ayaa dowladii Xasan Shiikh maxamuud uu waqtigeeda dhamaaday marar dhowr ah kala hadlay sidii loo sii deyn lahaa Hogaamiyihii Hore ee ururka Xisbul Islaam islamarkaana markii dambe shabaab ku biiray Shiikh Xasan Daahir aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa muddo afar sano ku dhow u xiran Dowladda federaalka Somaliya, kadib markii oo isku soo dhiibay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa gacanta Dowladda Somaliya soo galay daba yaaqadii bishii June ee sanadkii 2013-ka, tan iyo xilligaas waxa uu ahaa mid lagu hayay xabsi guri iskastoo xaalad caafimaad dhowr jeer loogu qaaday dalka Qatar.

Washington DC Feebaraayo 21, 2017 Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lataliyihiisa ammaanka qaran u magacaabay jeneraal HR McMaster, kaasoo bedeli doona jeneraal Michael Flynn.

Jen. Flynn oo xilkaasi hayay 24 cisho oo keliya ayaa laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu xiriir aan munaasab ahayn la sameeyay Ruushka.

McMaster ayaa ka tirsan ciidanka Maraykanka, waxaana uu ka qeyb qaatay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, asagoo ka shaqeynayay ka hortaga musuq maasuqa.

Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah.

Mr Trump oo magacaabidan shaaciyay asagoo ku sugan daarta Mar-a-Lago ee uu ku leeyahay gobolka Florida, ayaa ku tilmaamay jen. McMaster “nin khibrad badan leh, oo xushmad badan ka dhex kasbaday ciidamada.”

Weriyayaasha ayaa sheegaya in jen. McMaster uu caan ku yahay soo bandhigidda aragtidiisa.

Jariirada Time ayaa sanadkii 2014 ku dartay liiska boqolka qof ee ugu saameynta badan caalamka.

Ninkan loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaran ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo fursadan la siiyay.

Muqdisho Feebaraayo 21, 2017 Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayo 47-sano guurada ka soo wareegatay aas aaska ciidanka Asluubta.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda iyo baarlamanka Soomaaliya oo ka mid yahay guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo taliyeyaasha ciidamada.

Hargaysa Feebaraayo 21, 2017 Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigay Agaasimaha Tv-ga Madaxa banaan Startv oo Fadhigiiso yahay Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Agaasimaha la xiray ayaa lagu Magacaabaa Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Agaasimaha Tv-ga ayaa lagu eedeeyay in uu Abaabulay kulan Sharci daro ah oo aysan ogeyn maamulka Somaliland.

Sidoo kale Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Agaasimaha uu si weyn uga hadlay arinta ku aadan Saldhiga dowladda Imaaraadka carabta ay ka furanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay xiraysay Wariyeyaasha ka howlgala degaanadeeda , waxaana ay ku amartay Wariyeyaasha in aysan warbixin lafa gurid ah aysan ka sameyn karin Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta.

Garoowe Feebaraayo 21, 2017 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Maanta Xarun Cusub ka furatay Magaalada Garowe, waxaana Furitaanka Xarunta Cusub ka qeyb Madaxweyne Kuxigeenka Puntland iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka G.sare Koofi oo si wadajir ah Xariga uga jaray Xarunta.

UN Security Council Feebaraayo 21, 2017 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay sheegeen in ay kordhin doonaan dagaalka lagu jiro Al-Shabaab ,islamarkaana ay dadaallo dheeri ay ku bixin doonaan sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ay dadaal dheer ay ku bixin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in Awooda Al-Shabaab ay daciiftay, islamarkaana loo baahan yahay in la tayeeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

” Dalalka xubnaha ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay taageero lixaad ah ay siiyaan Soomaaliya si looga guuleysto Al-Shabaab , islamarkaana looga hortago Weerarada iyo Qaraxyada ay geysanayaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii Warka kasoo baxay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay si weyn loogu cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Muqdisho Feebaraayo 21, 2017 Kooxo hubeysan ayaa xalay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, oo kamid ahaa Ergadii xildhibaanada kasoo dooratay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaliya.

Ugu yaraan laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa gudaha u galay hoyga Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, iyadoona ay halkaasi ku dhex dileen, dilka kadib ragiii fuliyay falka ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka oo hawlgal aan buurnayn ka sameeyay goobtaasi, ayaa kolkii dambe isaga tagey, iyadoo aanay jirin cid la sheegay in ay u soo qabteen dilka marxuumka.

Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, ayaa ka mid ahaa ergadii Magaalada Baydhabo ku soo dooratay Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ku metelaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Muqdisho Feebaraayo 21, 2017 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Farmaajo marka hore ugu Hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku bogaadiyay in uu la yimaado isbadal iyo isla xisaabtan dhab ah.

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub isla markaana ay diyaar u yihiin in dhinac walbo ay ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jubbaland ugu mahad celiyay sida wanaagsan ee uu ula soo shaqeeyay Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay, Waxa uu sidoo kale ka dalbaday in uu la shaqeeyo.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku amaanay Axmed Madoobe sida uu u hormarinta degaanada Maamulka Jubbaland iyo sida uu ugu qeyb qaatay nabadeynta degaanadaasi.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay ka wada hadleen doorashadii ka dhacday Muqdisho iyo Xaalada guud ee Siyaasada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay hormarka uu Dalka gaarsiiyay iyo sida uu saaxiibka ula ahaa Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Xasan Sheekh maxamuud uu ahaa hogaamiye wax badan dalka ka soo qabtay, isla markaana ku guuleystay dhismaha Maamul goboleedyada Dalka iyo nabbadeynta Dalka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya loogu baahan yahay in uu si dhaw ula shaqeeyo hogaanka cusub ee Dalka.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ayaa ah Madaxweynaha keliya ee Maamul goboleed ee aanan joogin hoolka ay ka dhaceysay doorashada Madaxweynaha.

Waxaana kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo midkii ugu horeeyay ee dhex mara labadaasi Masuul tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan-5

WARARKA MAANTA Feebaraayo 20, 2017

Su'aasha Maanta: Maxay Shacabka Soomaaliyeed 92.8% u rabaa inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaago u magacaawo Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo horay u soo noqday Taliyaha Hay'adda Nabad-Sugidda Qaranka oo uu wax badan ka qabtay amniga iyo la socoshada dhaqdhaqaaqa cadowga gudaha iyo kan dibaddaba. Waa xaqiiq haddii Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaago uu u magacaawo Xildhibaan Axamed Macallin Fiqi inuu noqdo Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Soomaaliya waxay iska xorayn doontaa cadowga Soomaaliya ee u shaqaynaya Ethiopia iyo wixii daba-dhilif u ah dowladdaha deriska iyo kuwa shisheeyaha ah kuwaasoo caaddaystay inay jahwareeriyaan Ummadda Soomaaliya Insha Allaah! Soomaaliya ha noolaato!
Muqdisho Feebaraayo 20, 2017 Madaxweynaha Somaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu caawa Isbitaalka Madiina uu ku booqday dadkii faraha badnaa, ee ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 35 qof, iyadoo tiro kale oo intaasi ka badana ay ku dhaawacantay. Dhibane-yaashu waxay u badan yihiin rayid.

Muqdisho Feebaraayo 20, 2017 Madaxweynaha Somaliya oo u kuur-galay xaaladda dhaawacyada, ayaa waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka soo gaartay qaraxa, isagoona ballanqaaday in dowladiisu ay gacan u fidin doonto.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay masuuliyadda qaraxa khasaaraha intaan le’eg gaystay, ayaa wuxuu hadana Madaxweynaha Somaliya uu dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya oo Saxaafadda kula hadlay Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa uu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay in aysan kala jecleen dhibaateenta shacabka iyo askarta dowladda, iyadoona uu hadafkoodu ku sheegay in ay wax uun dilaan.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka uu ugu baaqay in ay soo sheegaan qaraxyada, iyadoo uu ballanqaaday in qofkii qarax soo sheegaa ay dowladdu siin doonto abaalmarin lacageed oo dhan boqol kun oo lacagta Mareykanka ($100,000).

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud oo ka barbar hadlaayay Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna ballanqaaday in qofkii soo sheega bistoolad qof lagu dilay, in la siin doono lacag dhan toban kun oo dollar.

Qaraxa nolosha badan galaaftay ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya, saacado uun ka dib, markii ay Shabaabku ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali, ayaa maanta sheegay inaanu Farmaajo waxba kaga duwanayn madaxdii isaga ka horeysay, isla-markaana ay la dagaalami doonaan.

Muqdisho Feebaraayo 20, 2017 Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, oo kamid ah mas’uuliyiin xalay booqday isbitaalada la geeyay dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxiii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA).

Sidoo kalena Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa tilmaamay in Hay’adda ay tixgalin siin doonto islamarkaana ay sugi doonto amaankiisa Qofkii soo sheega dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta.

“Gobolka Banaadir waxaa kusoo batay dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay dilalka qorshaysan ay geysteen Al-shaabab, intooda badan waxaa lagu fuliyaan bastoolada, cidii xogtaa NISA usoo gudbisa waxaa lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar”, ayuu yiri Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada iyo dilalka qorshaysan ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxa wacad ku mareen in ay sii kordhin doonaa beegsiga dadka la shaqeeya Dowladda Cusub ee Soomaliya.

Maamulka Hirshabelle Feebaraayo 20, 2017 Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Maanta Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana uu u Magacaabay Axmed Meyre Makaraan oo horay u ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabsullaahi Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in Saacadaha soo socda uu Magacaabi doono Golihiisa Wasiiradda.

Illaa Labo Jeer ayaa waxaa dib u dhac uu ku yimid soo Magacaabista Golaha wasiiradda Maamulka Hirshabelle.

Muqdisho Feebaraayo 20, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrinta qatarta ku ah, waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar).

Dhinaca kale Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA), sidoo kalena dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta cidda xogtooda keenta lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar waa sida uu sheegay Taliyaha NISA.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Iraaq Feebaraayo 20, 2017 Ciidammada Ciraaq ayaa duqeeyay goobaha ay ku suganyihiin kooxda isku magacawda Dawladda Iskaamka ka hor inta aysan guulaha ka gaarin dagaalka ay la galeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Ciidammada Ciraaq ayaa qabsaday tuulooyin kala duwan iyaga oo dagaal ku ekeeyay goobtii u dambaysay ee ay ku xoog badan tahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka oo ah qaybo ka mid ah magaalada Mosul.

Boqolaal gawaarida milateriga ah oo gacan ka helaya duqaymo dhanka cirka ah ayaa ku jihaystay Axaddii goobo ay Dawladda Islaamku fariisimmo ku leeyihiin.

Horumarka ay ka sameeyeen Axaddii koonfurta magaalada Mosul ayaa u sahashay in ay meel durugsan ka weeraraan garoonka diyaaradaha, magaaladaasi ayaana ah midda labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq.

Waxaa walaac laga muujiyay ammaanka kumannaan shacab ah oo ku go’doonsan halkaas.

Weerarkan waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Axaddii Ra’iisalwasaaraha Ciraaaq Xaydar Al-Cabadi

Abdulamir Yarallah oo ka mid ah saraakiisha milatariga oo war qoraal ah soosay ayaa sheegay in ciidammada gurmadka degdega ah ay qabsadeen tuulooyinka Athbah iyo Al-Lazzagah kuwaas oo ah labo tuulo oo ku yaalla koonfurta garoonka diyaaradaha ee Mosul.

Ciidammada dawladda ayaa dib u qabsaday bariga magaalada bishii hore, waana meesha kali ah ee ay ku xoogbadan tahay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. laakiin milatarigu waxay sheegeen in laga yaabo in ay dhibaato kala kulmaan dhanka galbeedka.

Laakiin hadda wax horumar ah lagama sii samaynin bariga Mosul maadaama oo la jaray dhamaan buundooyinkii ka talaabi lahaa webiga Tigris oo isku xirayay galbeedka iyo magaalada inteeda kale.

Hargaysa Feebaraayo 20, 2017 Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha ee Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday in maxkamad la gayn doono Wariye Cabdimaalik Coldaan oo ah wariye si wayn looga yaqaano dalka Soomaliya.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in safiirka Ingriiska u fadhiya UK ee dagan xalane ayaa si toos ulla hadlay maamulka Soomaliland isaga ku amar in la siiyo daayo wariyahaas.

Muqdisho Feebaraayo 20, 2017 Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaaboo dowladda dagaal kula jira ay dileen sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-kii in ka badan 900 oo shacab ahaa.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dadka intooda badan lagu dilay qaraxyo, weeraro qorshaysan ay Al-shabaab ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya, iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya oo wali ay ku xoogan yihiin.

“Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-kii Al-shabaab weerarada ay fuliyeen waxaa ku dhintay 900 oo qof oo shacab ahaa, dadka sida macna darada loo dilay waxba ma galabsanin, waxa ay ahaayeen dad masaakiin ah goobihii ay ku sugnaayeen ayaa loogu tagay oo lagu dilay, ka dowlad ahaan waan ka xunahay, jawaabta dowladda cusub laga rabo waa in ay soo afjartaa dagaalka Al-shabaab”, ayuu yiri Madaxweyne.

Muqdisho Feebaraayo 20, 2017 Iyadoo Cabasho xoogan ay ka taagneed Khidmadda Canshuuraha laga qaado Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxaa arrintaas Xayiraad ku soo rogay Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Ganacsatada ayaa cabasho xoogan ka muujinayay Khidmadda qaadisteeda ay Masuulka ka tahay Rugta Ganacsiga iyo shaqsiyaad si iskood ah Ganacsatada uga Aruuriya Lacago ay ku sheegeen Canshuuraad.

Hanti dhowrka ayaa soo saartay Wareegto uu ku faah faahinayo Canshuuraadka la xannibay.

WARARKA MAANTA Feebaraayo 19, 2017

Su'aasha Maanta: Madaxweyne Mudane Farmaajo, ma ogtahay ragga aad xilalka u magacaawdo inay jaajuusiin daba-dhilif ah u yihiin Ethiopia inta aan ka ahayn Denjire Axmed Fiqi? Ma waxaad isleedahay Ummadda Soomaaliyeed ma oga ragga daba-dhilifka u soo ahaan jiray Ethiopia iyo dowladdaha lugooyadda ku soo hayey Ummadda Soomaaliyeed? Mise waxaad rabtaa inay Dowladda Wada Dadban si deg deg ah ugu fashilanto hoggaanka dalka? Sida ugu deg degta badan u soo magacaaw Raysal Wasaare Ummadda Soomaaliyeed ka xoreeya Ethiopia iyo dowladdaha shisheeyaha ah ee Soomaaliya sii raba inay baa'biyeen!
Muqdisho Feebaraayo 19, 2017 Qarax weyn oo ka dhacay degmadda Wadajir ayaa waxaa la sheegayaa inuu gaystay khasaaro farbadan taasoo ay weli baarayaan laaamaha amniga dalka.

Muqdisho Feebaraayo 19, 2017 Xilli dhawaan la filayo in Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu Caleemo saaro Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in Safar Dalka Dibaddiis ah uu ugu Ambabixi doono.

Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in Caleemo saarkiisa kadib safarkiisii ug u horreeyay uu soo Cumreysan doono kadib markii uu u ambabaxo Boqortooyada Sacuud Arabia.

Waa Safar ka duwan Safarradii looga bartay Madaxdii ka horreysay ee Soomaaliya maadaama markii la doorto ay u ambabixi jireen dalalka Dariska la ah Soomaaliya.

Inta uu ku guda jiro gudashada Cumrada ayaa Madaxweynaha la filayaa In uu u soo duceeyo umadda Soomaaliyeed

Galmudug Feebaraayo 19, 2017Dib u dhac ayaa ku yimid Doorasho Madaxweyne oo maanta ka dhici laheyd Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa horay u sheegay in 19 bishaan oo maanta ku beegan ay dooran doonaan Madaxweyne , balse wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in doorashadii Madaxweynaha Galmudug ay dib u dhacday.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in maanta aysan jirin doonin doorasho ka dhaceysa Cadaado.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed ayaan wali Aqbalin xilka qaadis ay ku sameeyeen xildhibaanada Galmudug.

Kenya Feebaraayo 19, 2017 Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Magaalada Mombasa ku xiray labo qof oo si weyn ay u baadigoobayeen , islamarkaana la aaminsan yahay in ay xiriir toos ah ay la leeyihiin Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda Daacish.

Labada qof ee ay xireen Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay u safreen dalka Syria oo ay dib uga soo laabteen , islamarkaana ay ka soo qeyb qaateen dagaallo ka dhacay dalkaasi sida ay sheegeen Saraakiisha ammaanka dalka Kenya.

Labada qof mid ka mid ah ayaa ah Haweenay waxaana lagu magacaabaa Nasra Hyder Faiza, waxaana la sheegay in ay dhalatay 1991 dii, islamarkaana ay ka soo qeyb qaadatay weeraro argagixiso oo ka dhacay dalka Kenya.

Salim Mohamed Rashid oo dhashay 1996 ayaa sidoo kale la sheegay in uu u safray dalka Syria oo uu ka soo bar bar dagaalamay Kooxda Daacish.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay suurtagal tahay in wiilkaan iyo Gabadhaan sidoo kale doonayeen in ay tashkiiliyaan dhalinyarada doonaysa in ay ku biiraan Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.

Kenya ayaa sheegtay inay baaritaan dheeri ah ku sameynayso dadkaan ay ciidamada ammaanka ka qabteen magaalada Mombasa ee Gobolka Xeebta dalka Kenya

Galmudug Feebaraayo 19, 2017 Ciidamada Nabadsugida Galmudug iyo ciidamo Mareykan ah ayaa sheegay in ay Saldhig ciidan ka sameysanaayaan xeebaha gobolka Mudug si loola dagaallamo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Galmudug Saadaq Cumar Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Saldhigaasi laga dhisi doono xeebaha gobolka Mudug gaar ahaan degmada Hobyo iyo degaanka Wisil.

Ujeedka ayuu sheegay in uu yahay in lala dagaallo Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliya.

Ciidamada Galmudug ayaa doonaya in ay Al-Shabaab ka saaraan degmada Xarardheere , waxaana ay rabaan in ay sameystaan saldhigyo ay kasoo weeraraan degmadaasi.

Qoryooleey Feebaraayo 19, 2017Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa tiro Madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Meelaha ay AMISOM-tu duqeysay waxaa ka mid ah deegaanka Farxaane oo qiyaastii 7 Km xagga Koofur Galbeed uga beegan degmada Qoryooleey.

Deegaankaasi Farxaane ee Ciidamada AMISOM ay Madaafiicdu la beegsadeen ayaa waxaa gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiicdaasi ay tiradoodu illaa 20 kor u dhaafeysay islamarkaana ay ka dhasheen khasaarooyin walow aan illaa iyo iminka la cayimi Karin.


WARARKA MAANTA Feebaraayo 18, 2017
Su'aasha Maanta: Mudane Madaxweyne Farmaajo, Maxay Ummadda Soomaaliyeed u taageersan tahay 92.6% in aad Raysal Wasaare u magacaawdo Xildhibaan Axamed Macallin Fiqi oo horay u soo noqday Safiir iyo Taliyihii Hay'adda Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo uu hawl hufan iyo hawl-karnimo ku hoggaaminayey? Fadlan Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku qasabtay inay labada gole ku doortaan haddaba waa in aad ogaataa inay inay Ummadda Soomaaliyeed 92.6% in aad Raysal Wasaare u magacaawdo Xildhibaan Axamed Macallin Fiqi waa haddii aad rabto dowlad dadka iyo dalka u daacad ah oo ay la wada-shaqayn doonaa Ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba.
Muqdisho Feebaraayo 18, 2017Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin aad u farabadan ayaa ku haminaya sidii ay noqon lahaayeen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiinta sida weyn u la socda siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in Madaxweyne Farmaajo uu midkood uu ra’iisulwasaare uu u magacaabo Axmed Macalin Fiqi oo ah xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka. Iyo Cabdinaasir Cabdulle Jaamac

Run ahaantii Denjire Axmed Macalin Fiqi ayaa horay usoo noqday Taliyihii Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in suurta gal tahay in madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisulwasaare uu u xusho Cabdinaasir iyo Axmed Midkood.

Cabdinaasir Cabdulle Maxamed ayaa ah nin ku cusub siyaasadda , islamarkaana u tartamayay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Muqdisho Feebaraayo 18, 2017 Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in mushaaraadka la siiyo ciidanka dowlada Soomaaliya oo mudo 8-bilood ah qaarkood wax mushara ah la siin.

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa shalay la siiyay mushaarkii ugu horeeyay ay helaan mudo 8-bilood , waxaana mushaarkan la siiyay ciidanka booliiska uu yahay hal bil kaliya, waxaana wali ka maqan ciidanka mushaar iyo xaquuqo kale ay lahaayeen.

Mushaarka ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa bixiya Dowlada Federaalka Soomaaliya Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada(UNDP), mushaarka hada la siiyay ciidanka booliiska ayaana ahaa kan ay bixiso dowlada Federaalka.

Saraakiisha ciidanka booliiska ayaa soo dhaweeyay bixinta mushaaraadka ciidanka booliiska, waxa ayna muujiyeen in rajo wey ka qabaan in si joogto ah u helaan Mushaarkooda maadama la doortay Madaxweyne Farmaajo oo looga bartay taageerida ciidanka qalabka sida.

Dowlada cusub uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa in ay xooga saarto bixinta Mushaaraadka ciidanka dowlada, waxaana guusha Farmaajo si weyn usoo dhaweeyay ciidanka qalabka sida kuwaa oo aaminsan in Madaxweynaha ka heli doonaan mushaarkooda.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa balan qaadyadii uu sameeyay waxaa ku jiray in xooga uu saarayo bixinta mushaaraadka ciidanka qalabka sida iyo sidii loo dhisi lahaa ciidanka Xooga Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amaanka guud ee dalka.

Muqdisho Feebaraayo 18, 2017 Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilka Xanaf ayaa sheegay in doorashada dhacday iyo qaabka loo marayba aysan sharci iyo Dastuuri midna ahayn hasa yeeshee ay wax wanaagsan oo ah in la doortay madaxweyne loo baahanyahay oo dalka iyo dadka samata bixinkara ay kasoo baxeen,isagoo hadalkiisa intaa ku daray in dalku uusan sharci ka jiri tan iyo markii isagau iscasilay.

Madaxweynaha Cusub ee la doortay ayuu sheegay in looga baahanyahay inuu dalka kusoo dabaalo sharci uuna soo celiyo dadkii uu sheegay in sida sharci darada ah xilka looga qaaday oo isagu uu ka mid yahay isagoo tusaale usoo qaatay In qodobada xil ka qaadistiisa loo cuskaday qaarkood ay awood siinayeen isaga.

Caydiid Ilka Xanaf oo sii hadlaya ayaa waxaa uu kula taliyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyaba in looga baahanyahay inay hagaajiyaan Garsoonka,Caddaaladda iyo Dastuurka dalka,Si gaara Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in laga doonayo inuu dhiso guddi dhameystira dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya uuna madaxweynuhu sameeyo sharci iyo Garsoor Caddaalad ku dhisan.

Caydiid Ilka Xanaf ayaa muddo soo ahaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya waxaana dhawr mar oo ay is qabsadeen madaxweynihii waqtigaa ee Xasan Sheekh ugu dambeyntiina waxaa uu ku dhawaaqay inuu is-casilay,marka la eego qof ahaanna waa nin wax badan ka yaqaanna arimaha garsoorka,Caddaaladda iyo sharciyada dowliga ah.

Shabeele Feebaraayo 18, 2017 Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Milatariga Soomaaliya ayaa Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Walanweyn iyo Tixsiile waxaa ay ku Kufsadeen Dumar saarnaa Gaari nuuca Caanaha qaada ah islamarkaana ka baxay Magaalada Muqdisho.

Mid ka ah Ehelka Hawenka la Kufsaday ayaa sheegay in Gabdho ay Ehel yihiin la iskugu daray Kufsi iyo dhac.

Qofka Warka sheegay ayaa ku eedeeyey kufsiga caanooleyda Guuda 6-aad ee Ciidanka xooga dalka Somalia in ay ka danbeeyen falkan lglakacy shacbka.

Waxaana uu codsadey in arintaan ay soo faragaliyaan Madaxda Dolwada Somalia oo la sheegay in wax loogu dhimayo Sumcada ciidanka.

Jowhar Feebaraayo 18, 2017 Maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo Kan degmada Jowhar ayaa waxa ay koormeer ku tageen Dekedihii hore ee qadiimiga ahayd ee Degmada Cadalle ee gobolka Sh/Dhexe.

Masuuliyiinta ayaa waxa ay soo kormeereen qeybaha kala duwan ee Dekeda ka kooban tahay iyo sida iminka loo dayactiri karo, Waxana koormeerkooda ku wehlinaayay Ganacsato.

Masuuliyintii kormeertay Dekeda ayaa sheegay in loo baahan yahay in deg deg loo dayactiro isla markaana si Wadajir ah loogu wada qeyb qaato.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ” Axmed Faal” ayaa Warbaahinta u sharaxay sida ay bulshada gobolka Sh/Dhexe ugu baahan yihiin Dekedaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Hirshabeelle qorshaha ugu horeeyo ee uu qabanayo in ay tahay dib u furida iyo dayactirka Dekedaan.

waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka hirshabeelle ay isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo Dekeda.

Banjul GabiaFeebaraayo 18, 2017 Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.

Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa manta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudaa dalku yeesho.

Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

Kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.

Muqdisho State Feebaraayo 17, 2017Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan gaar ah waxa uu la qaatay Danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz.

Kulanka dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha Mareykanka ayaa looga wada hadlay arimo kala duwan ay ka mid tahay sidoo dowlada Mareykanak uga taageeri laheed dowlada cusub ee Soomaaliya dhinacyada amniga, mushaaraadka ciidamada iyo gurmadka abaaraha .

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Danjire Schwartz kaalinta dowladda Mareykanka ay ka ciyaareyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in ay sii kordhiyaan taageeradooda si dalka loogu soo dabbaalo nabad waarta iyo nolol wanaagsan.

Danjire Schwartz ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii 8da Febraayo, waxa uuna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in ay garab is taagto ayna taageerto dowlada cusub.

Ugu dambeyn Danjire Stephan Scharwartz ayaa guddoonsiiyay Maaxweyne Farmaajo koofiyad ka kooban labada midab ee calanka Soomaaliya ee buluuga iyo caddaanka ah oo lagu soo qoray ‘Soomaaliya mar kale ka dhig dal magac leh.

WARARKA MAANTA Feebaraayo 17, 2016
Su'aasha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u magacaawi layahay Raysal Wasaaraha cusub? Boqolkiiba 89.8% Ummadda Soomaaliyeed waxay taagersan yihiin inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u magacaabo Taliyihii hore ee Nabadsugidda Denjire Axmed Macallin Fiqi inuu noqdo Raysal Wasaara cusub waa haddii uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo rabo wada shaqaynta Ummadda Soomaaliyeed si ay uga xoroowdo shisheeyaha qaska iyo fowdada ku soo hayey Ummadda Soomaaliyeed.
South West State Feebaraayo 17, 2017 Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday wasiir ka mida Golihiisa Wasiirada.

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la shaaciyay in xilkii laga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre iyadoo lagu eedeeyay inuu isaga xilkii ka tegay.

Wasiirkan oo ugu dhawaaqay inuu is casilay, dhinaca kalena ah xildhibaan ayaa ka mida xildhibaano wada olole mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan Madaxweyne, isagoo sheegay inuu Shariif Xasan sharci darro ku heysto Koonfur Galbeed, isla markaana maamulkaasi ka dhigay mid hal qof ku daneysto.

Mooshinka lagu doonayo in xilka looga qaado Shariif Xasan ayuu wasiirka xilka laga qaaday dhowaan sheegay inay xildhibaanada saxiixay gaarayaan 97, isla markaana ay dhowaan u yeeri doonaan Shariifka.

Nairobi State Feebaraayo 17, 2017 Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Farmaajo.

Waxa uu sheegay wax lagu farxo in ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay wadadii saxda aheyd.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.

“Qaabka Doorashada loo sameeyay waxa ay aheyd mid wanaagsan, amniga inta ay Doorashada socotay waxa uu ahaa mid ay iska kaashanayeen Ciidanka Dowladda Federalka iyo Howlgalka AMISOM, Soomaaliya waxa ay ku soo laabatay wadada saxda ah” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay Doorashadii Soomaaliya ka dhacday in ay rajo wanaagsan u aheyd dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, maadaama ay ku dhacday si nidaam ah oo aysan jirin arbushaad iyo waxyaabo kale
Muqdisho State Feebaraayo 17, 2017 Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxa uu sheegay dalka in ay ka dhacday Doorasho, si nabad gelyo ahna ay ku soo dhamaatay, waxa uu uga digay Booliska in ay ku mashquulaan waxyaabo aanan shaqadooda aheyn.

Sidoo kale Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay Booliska in laga doonayo in uu ka warqabo xaalada uu dalka ku sugan yahay, maadaama nabad gelyada guud ee dalka uu xil ka saaran yahay, loona baahan yahay in mar walba ay ka shaqeeyaan.

Waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar muhiim in ay tahay dhaq dhaqaaqa in lala socdo, si looga hortago la isagana difaaco kooxaha mararka qaar weerarada iyo Qaraxyada geysta.
Doorashadii Soomaaliya ka dhacday waxaa si weyn ugu lifaaqnaa Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska, maadaama dhowr jeer oo hore lagu eedeynayay in ay gafeen shaqadooda oo ay ku dhex milmeen Doorashada.

Khaatumo State Feebaraayo 17, 2017 Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan dalka jabuuti hehsiis kula soo galay maamulka soomaaliland ayaa waxa uu ugu danbeyn shaley dib ugu soo laabtay gobolka sool.

Cali khaliif ayaa diyaaradi siday waxaa laga celiyay garoonka magaalada Buuhoodle waxaan diyaarada ay u weecatay magaalada laascaanood.

Madaxweynaha khaatumo ayaa doonayay in heshiiska uu ka hergeliyo deeganada khaatumo gacanta ay ku heyso balse waxa uu caqabado xoogan kala kulmayaaa siyaasiin iyo saraakiil ka soo jeeda khaatumo kuwaa oo u arka cali in kaligiisa tahashaday.

Warar hoose oo ay heleyso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in cali khaliif loo diidan yahay in uu tago deeganada khaatumo arintaana waxaa ka sahqeynaya wasiiro ka tirsan maamulka khaatumo oo laga qadiyay heshiiski jabuuti.

Puntland State Feebaraayo 17, 2017 Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhowaanahan Degaanada Maamulka Puntland uu ka aramiyo in ay ku bateen Tacadiyada kufsiga la xiriira.

Waxa uu sheegay Tacadiyadan in ay gaareen heerkii ugu sareeyay loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa, loona baabi’in lahaa.

Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa sheegay Tacadiyada ka dhacay Maamulka Puntland in ay gaarayaan 123 kufsi.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa carabka mariyay falal dambiyeedyadii ka dhacay Degaanada Puntland, sida falalkii shilalka ahaa ee ka dhacay Puntland.

Baydhabo Feebaraayo 17, 2017 Wasiirka diinta iyo awqaafta maamulka Koonfur Kalbeed Macalin Axmed Maxamed ayaa ka horyimid xil ka qaadis madaxwayanaha maamulkaasi uu kusameyay.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan waddo sax ah loo marin xil ka qadistiisa isaga oo meesha ka saaray sharci ahaanshiyaha golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed ayaa sidoo kale kamid ah xildhibaannada maamulka Koonfur Kalbeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inuuba jirey khilaa u dhaxeeyey Madaxweyne Shariif Xasan iyo sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.

“In xilka la iga qaado waddo sharci ah looma marin, Shariif isagaba ayaaba baarlamaanka laga doonayey, isaga oo taas ka leex leexanaya ayuu sheegay in si aan sharci ahayn xilkii iiga qaaday”

Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha K/galbeed ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaadey Macalin Axmed Maxamed oo ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta ee maamulkaasi.

WARARKA MAANTA Feebaraayo 16, 2016

Su'aasha Maanta: Ma waxaan soo dhawaynaa Dowladda Wada Dadban? Mise Doorasho dadban oo dhalisay laba gole oo dadban kuwaasoo dhalay madaxweyne dadban Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo? Haddaba ku soo dhawaada hee “Dowladda Wada Dadban!”

Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka dhaceysa Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynhii Soomaaliya Afartii sano ee la dhaafay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Arbacaii ina dhaaftay lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) qaar ka tirsan xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xil wareejinta ay bilaaban doonto 09:00 subaxnimo, si weyna loogu diyaar garoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajiyo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka uu ku sugan yahay, muhiimadda Dowladda cusub, fursadaha hor yaalla xiligaan iyo xil wareejinta maanta dhaceysa.

22-ka Bishan oo ku beegan Arbacada soo socota ayaa waxaa dhici doonta Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota dalalka Afrika iyo xubno kale.

Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) oo maalmahan kulamo la lahaa Safiirrada dalalka shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay Safiirka Sweden Mudane Mikael Lindvall, waxa ayna ka wada hadleen sidii dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan lahayd abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka Soomaaliya, amniga, maalgashiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan u baahannahay waxqabad degdeg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto. Waxaan dowladaha saaxiibka ah oo ay Sweden ugu horreyso ka codsanayaa in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Danjire Lindvall ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii doorashada isaga oo sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa tayeynta laamaha amniga, maalgashiga ay dowladda Sweden ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Gebogabadii kulanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay safiirka Sweden taageerada ay dowladdiisu ka geystay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida uu dalkaasi mar walba u garab taaganyahay hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.

Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, waxaana boqorka uu ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 8dii bishan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa boqorka uga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo dhaweeyay codsiga Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in ay xukuumaddiisa ka qeyb qaadan doonto hawlaha loogu gurmayo dadka iyo xoolaha ku baaba’ayo abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Dhammaad

Garoowe Feebaraayo 16, 2017 C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo horey u soo noqday Madaxweyihii hore ee Maamulka Puntland, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Faroole muhiim in ay tahay in fursad la siiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), si uu u soo xusho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay sababta uu uga tagay Magaalada Muqdisho in ay tahay dad culeys ku haya awgeed, in aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cida uu soo magacaabayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan C/raxmaan Faroole ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu buurnayn dhaqaalaha ay haysato Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii C/raxmaan Faroole, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay u adeegaan bulshadooda ay Abaaruhu halakeeyeen, oo aanay ku mashquulin shaqada Madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta Xilka ku wareejiyo Madaxweynaha cusub, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Munaasabadaasi ka dhici doonto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Xil-wareejinta kadib, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta kale ee isaga la shaqeynaysay waxay faarujin doonaan Villa Somalia, si ay taasi ugu gogol-xaarto in Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga hawl bilaabo Villa Somalia.

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Xasan Sheekh Maxamuud qorsheynayo inuu safar ugu ambabaxo dalka Tanzania ama Turkiga, si uu muddo 6 bilood ugu soo nasto.

Waxa uu la midoobi doonaan Qoyskiisa oo iyagu ku kala nool Turkiga iyo Tanzania.

Madixii ugu sarreeyey Xafiiska Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa isagana ku wajahan Maraykanka, halka Ku-xigeenkiisa la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka “WFP” oo uu horey uga shaqeynayey in ka badan 10-sanno.

Madixii Hab-maamuuska ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagana la sheegay inuu dib u degi doono dal ku yaalla Europe.

Madixii Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa isagana la sheegay inuu ku wajahan yahay dalka Koonfur Afrika.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Xilka Wareejinayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu 6 bilood kadib ku soo laabto dalka, maadaama uu yahay Xildhibaan tan iyo inta uu nool yahay, sida ku cad Qoddobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan Madaxweynihii iyo Ra’isul-wasaarayaashii dalka soo maray waxay intooda badan ku noolaadaan Dibedda marka uu Xilli-hawleedkoodu dhamaado.

Madaxweynihii ugu horreeyey Somalia, Allaha U Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan “Aadan Cadde” ayaana ahaa Madaxweynaha keliya ee markii uu xilka ka degay aan marnaba ka dhoofin dalka hooyo.

Qoryooleey Feebaraayo 16, 2017 Ciidamada amisom ee ku sugan gobolka sahbeelaha hoose ayaa lagu soo waramayaa in degmada qoryooley ay ku toogteen nin shacab aha.

Ciidamada ayaa la sheegay in ninkaani ay si bareer ah risaas ugu fureen waxana a sheegay ninkaan kamidka aha dadka shacabka ee degmada qoryooley in ciidamada ay ka shakiyeen.

Ciidamada amisom ayaa marar badan dilal bareer ah ka geystay gobolka shabeelaha hoose.

Maamulka degmada QOryooley ayaa sheegay in ay baaritaan ku aadan arintaan ay smaeynayaan.

Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Ciidanka amaanka degmada wadajir ee gobolka banadir oo howlgalo ka sameyay xaley ila iyo sakaay aroorti xaafado katirsan degmada wadajir ayaa howlgaladaasi waxa ay ku sop qabqabteen dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeyeen dil loogu geystay Nin Nabadoon ahaa Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Allahu Naxariistee Nabadoon Muuse Ilka-weyne oo kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed xili uu kasoo baxay Salaadii Maqrib sida idaacadda Simba ay u sheegeen dad ka agdhawaa goobta nabadonka lagu dilay kooxaha dilka u geystay Nabadoon Muse oo Ku Dhuftay dhowr xabadood ayaa goobta ka baxasaday inkasto daqiiqado kadib ay goobta soogaareen cidamo katirsan maamulka degmada wadajir waxaana howlagalo baritaano ah ay ka sameeyeen goobta dilaka uu ka dhacay.

Maamulka degmada wadajir ayaa xaqijiyay in gacanta ay ku so dhigeen ilaa iyo hadda shan ruux oo mamulku u tilmamay in ay ku eedeysan yihiin dilka Nabadoonka.

WARARKA MAANTA Feebaraaayo 14, 2017

Muqdisho Feebaraayo 15, 2017

1- In afarta sano ee soo socota uu u shaqeeynayo Shacabka Soomaaliyeed balse aanu ka shaqaysanaynin.

2- In uu ilaalinayo amaanada shacabka Soomaaliyeed.

3- In uu isku xirayo shacabka iyo dawladda si loo helo dawladnimo taam ah.
4- In uu dhisayo islamarkaana maalgalinayo Hay’adaha cadaalada iyo kuwa amaanka.
5- In la sameeyo hab loo heli karo kalsooni ay dadku dawladooda ku gacansiin karaan si loo tuso caalamka in dawlad shacabku dhistay ay ka hanaqaaday Soomaaliya.
6- In awooda dawladu gaarto dhamaan gobolada dalka Soomaaliya oo la arko canshuuraha badda iyo barriga oo si isku mid ah ugu soo xaroonaya khasnadda ama banka dhexe ee dawladda Soomaaliya.

Waxaa uu talo waydiistay shacabka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in xumaanta iyo dacaayadaha aan wanaagsanayn ku badaleen talo wax dhismo oo dalka Soomaaliya ka badbaadin karto dib u dhac kale.
Wixii talo ah dheeri ah halkaan ku soo gudbiya adinka oo qaadanaya talada Madaxwaynaha.

North Korea Feebaraayo 15, 2017Kim Jong-Nam wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay dibadda Kuuriyada WaqooyiLahaanshaha
Kim Jong-Nam wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay dibadda Kuuriyada Waqooyi
Nin ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhintay Malaysia.

Ilo wareedyo Ingiriis ah oo ku dhow qoyska Kim Jong Nam ayaa BBC u sheegay in sun loo adeegsaday.

Mid ka mid ah warbaahinta Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ninkaas ay laba dumar ah oo isticmaalay cirbado sumaysan ku dileen garoonka dayaaradaha ee Kuala Lumpur.
Meydkiisa ayaa la rumaysan yahay in baaritaan lagu samayn doono.

Kim Jong Nam ayaa ahaa wiilka ugu weyn carruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada waqooyi Kim Jong

Muqdisho Feebaraayo 15, 2017 Hanti Dhowraha Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay heshiiska ay Imaaraadka maamulka Somaliland kula galeen saldhigga Militari ee Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=4PizWgrejjE

Muqdisho Feebaraayo 15, 2017 Wa


February 2017

 

WARARKA MAANTA Feebaraaayo 13, 2017

Somali Cyber Teams warms #Somalia's recently #elected #President H.E. Mohamed Abdillahi Farmajo not to #choose wrong Somali #Prime Minister.

Su'aasha Maanta: Mudane Madaxweyne Farmaajo, yaa mudan in aad u magacawdo Raysal Wasaare? Jawaabta Shacabka waa: waxaa mudan in aad Raysal Wasaare u magacawdo shaqsiyaadkan mid kamid ah: 1. Denjire Axmed Macallin Fiqi (Taliyihii hore ee Nabadsugidda), 2. Denjire Maxamed Cali Ameriko, 3. Mudane Cabdiraxmaan Caynte (Wasiirka Qorshaynta), ama Wasiirkii Hore ee Waxbarashadda Dr. Nuur oo horay la soo shaqeeyey Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo xilligii uu ahaa Raysal Wasaare.
Muqdisho Feebaraayo 13, 2017 Maalinta raadiyowga ee caalamka ayaa ku beegan maanta, maanta oo ay taariikhdu tahay 13ka Febraayo.

Maanta oo kale sanad walba ayaa waxaa la xusaa ahmiyada raadiyaha uu ku leeyahay baahinta wararka iyo xogta muhiimka ah caalamka.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayaa waxaa soo batay dadka aanan dhageysan aalaaba idaacadaha balse wararka ka aqrista baraha internetka. Internetka ayaa yareynaya dadkii dhageysan jiray idaacadaha tiradooda.

Si kastaba ha ahaatee, idaacadaha ayaa dhageysigoodu wali ahmiyad ay leedahay gaar ahaan markii aadan rabin inaad war aqriso balse aad dooneyso adoo dhan u jiifa indhahana ay kuu daboolan yihiin inaad wararka lasocoto!

Soomaalida ayaa wali aad u jecel dhagaysiga raadiyeyaasha. Gudaha Soomaaliya iminka waxaa ku yaala idaacado badan.

Caasimada Muqdisho oo qura waxaa ku yaalada tobanaan idaacadood.

Muqdisho Feebaraayo 13, 2017 Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi maxamed ayaa kulan la qaatay Madaxda Ruggta Ganacsiga Soomaaliyeed , waxaana uu kala hadlay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadka ay Saameeyeen Abaaraha.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Madaxda Ruggta Ganacsiga Soomaaliya in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an , islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed laga rabo in ay muujiyaan doorkooda ku aadan badbaadinta umada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Ruggta Ganacsiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen Madaxweynaha , waxaana uu sheegay in ay u muujiyeen in ay taageersan yihiin , ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda ugu aadan gargaarka abaaraha.

Muqdisho Feebaraayo 13, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo  Campalina.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo  Campalina, kaas oo uu ka siday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.

“dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa madaxweynaha  Talyaaniga  Hambalyada uu ii soo diray” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho Feebaraayo 13, 2017 Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa Warbixin dheer ka qoray Shaqo maalmeedka soo wajahi karta Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmnaajo tahay caqabado ballaaran, oo ay ka mid yihiin Musuqa Maaliyadda, Maqnaanshaha Ammaanka, Awood La’aanta Dowladda Dhexe, Ciiddanka iyo Abaaraha.

Somalia ma soo marin Dowlad waxtar leh 25-sanno ee la soo dhaafay, iyadoo Xaaladda Nololeed iyo Ammaanka ahaayeen kuwo adag tan iyo markii uu bilowday Dagaalka ay Dowladda kula jiraan Xarakadda Alshabaab sannadkii 2007-dii.

Wargeyska waxa uu sii qoray inay arrimahaasi keentay inuu dalka u baahdo 20,000 oo Askar Shisheeye ah si ay gacan uga geystaan Dagaalka Alshabaab, balse aysan ku guuleysanin, iyadoo ay u sii dheereyd colaadaha Beelaha.

Wargeyska The Financial Times waxa uu sii qoray inaysan Somalia lahayn Ciiddan Qaran, balse ay jiraan Warqado lagu muujiyey Taageero Maaliyadeed oo dhan Billions Dollar, iyadoo ay ahayd inay dagaalkaasi qaadaan Ciiddanka Dowladda, halkii Maleeshiyo Beeleed la hawl gelin lahaa.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey in mid ka mid ah Diplomaasiyiinta sheegay mar wax laga weydiiyey arrimaha Ciiddanka Somalia waxa uu yiri:- “Anigu marnaba ma arkin maalgelin heerkaasi ah oo aan lahayn Natiijo la caddayn karo”.

Wargeyska waxa kale oo qoray in Awood La’aanta Dowladda Dhexe keentay inaysan ka hawl-gelin qeybo badan oo ka mid ah dalka, iyadoo Goballaddii ugu waa weynaa ee dalka, sida Somaliland ku dhawaaqeen inay ka go’een Dowadda Dhexe sannadkii 1991-kii,

Dowladda waxaa kaloo hor yaalla iyadoo uusan jirin Nidaamka Garsoorka ama Nidaamka Canshuurta Caadiga ah, waxayna marnaanshahaasi u oggolaatay inay Hay’addaha Gaarka ka hawl-galaan.

Taasi ayaa keentay inay Dowladda lahayn wax Maaliyad oo dib loogu laaban karo, iyadoo daynta sannadkiiba gaarto 5 Billion oo Dollar, Kharajka Adeegga Garoonka Diyaaradaha ka soo xerooda oo keliya ayaa lagu dhaqdhaqaaqa

Wargeyska waxa uu sii qoray inaysan jirin Sharuuc ama Nidaam lagu hago Maalgashiga Shisheeyaha, iyadoo mususq saamayn ku yeeshay dhamaan Qeybaha iyo Waaxyaha Dowladda iyo Bulshadda.

Qiimeynta Hay’adda Transparency International ee la daabacay bishii hore, waxay Somalia noqotay dalka ugu musuqa badan Caalamka sannadkii 10-aad.

Dhinaca kale, The Financial Times waxa uu ka so oxigtay Diplomaasiyiinta inay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo dhibaato kala kulmi karin xakamaynta hamiga danaha Khaaska (Personal Interests).

Mid ka mid ah Diplomaasiyiinta ayaa yiri:- “Weligay ma aan maqlin u danqasho leh dadka , gaar ahaan Kooxaha Siyaasadda”.

Diplomaasiyiinta waxay Madaxweyne Farmaajo uga digeen haddii uusan xaqiijinin tallaabo rasmi ah inuu si degdeg ah u lumin doono Deeq-bixiyayaasha.

Muqdisho Feebaraayo 12, 2017 Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay, labo kalena wey ku dhaawacmeen qaraxyo caawa ka dhacay xaafadda KPP oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo gaarayey illaa labo ayaa waxaa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasoo lagu weeraray ciidamo ka tirsan booliska Somalia oo ku sugnaa agagaarka isgoyska KPP.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen shacab goobta ka dhowaa, halka labada dhaawaca ahna la sheegay inuu ku jiray askari ka tirsanaa ciidamadii qaraxyadaas lala beegsanayey.

Ciidamada Booliska saldhiga Hodan oo halkaas ku dhow ayaa ku soo baxay qaraxyadan iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo ay ku xoojinayaan amaanka.

Weerarada noocan ah ee isugu jira qaraxyada iyo dilalka ayaa had iyo jeer ku soo laalaabta magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee ay dowladu ka taliso, kuwaasoo marna xoogeysta marna hoos u dhaca.

Muqdisho Feebaraayo 12, 2017 Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mecheil Kiting ayaa sheegay in shaqooyinka ugu horreeyo ee dowladda Cusub ee Somaaliya laga rabo ka mid tahay wax ka qabashada Abaaraha baahsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Mechiel Kiting ayaa sheegay in arrintani loo baahan yahay in ay iska garabsadaan Qaramada Midoobay iyo Sidoo kale Maamul Goboleedyada dalka si Dowladda Dhexe ay xal ugu hesho samata bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Mr Kiting ayaa carabka ku dhuftay haddii xaaladaha Abaaraha ay sii jiraan ay dalka u bedeli doonaan Xaalado Macluul ah oo soo wajaha dad badan.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu rumeysan yahay in doorashadii Madaxweyne ee dhawaan ka dhacday Muqdisho ay si xalaal ah u qabsoontay.

Ugu dambeyn Danjire Kiting ayaa cod dheer ku sheegay in doorashadani ay ka duwan tahay doorashooyinka hore

Muqdisho Feebaraayo 12, 2017 Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya Cali Jaamac Jangeli oo uu wehgeliyo Maxamed khaliif oo ah Mas’uul ka tirsan Wasaaradaasi uu u Ambabaxay maanta Dalka Canada halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco kulan looga hadlayo Wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya.

Warar Xog Ogaal ah ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya ay sheegaya in Maamulka Hawada Soomaaliya ay Daneynayan Madaxda Dowladdaha Kenya, Ethiopia, Djibouti, Mauritius iyo Hindiya.

Waxaa sidoo kale ay Mas’uuliyiintani ayaa Xaqiijiyeen in la qorsheynayo in Wasiirku uu Saxiixo Maamulka Hawada Soomaaliya inay la wareegayaan Dowladahaasi 16-ka bishan oo Wasiirku Wadanka Canada ku Saxiixayo Dikumiintyo Cadeynaya in Dowlada Soomaliya lagala wareegay Maamulkii Hawadeeda.

Mas’uulkan lagu Magacaabo Maxamed khaliif ayaa la sheegay inuu kulamo kala duwan horay ula yeeshay Dowladaha daneynaya Heshiiska Hawada Soomaaliya inay Saxiixdo Dowlada, isaga oo la rumeysan yahay inuu yahay shaqsiga ku Cadaadinaya Wasiir Jangeli inuu Hawada Soomaaliya u Gacan geliyo Dowqladahaasi Shisheeye.

Markii uu dhaco Saxiixa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya cali jaamac Jangeli uu ku Gacan Gelinayo Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in Qalab Muhiim ah oo Yaala Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho la geeyo Dalka Kenya si halkasi looga Maamulo Hawada Soomaaliya.

Qorshan ay damacsan yihiin Wasiir Jangali iyo Maxamed khaliif ayaa la aaminsan yahay in ay tahay qiyaano Qaran, maadaama aysan waxba kala socon Madaxweynihii hore ee Dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Talaabadan ayaa u muuqata mid looga Faa’iideysanayo Wasiirada uu Waqtiga ka idlaaday iyo kala wareega Madaxweynaha Cusub ee Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan SHeekh Maxamuud

Muqdisho Feebaraayo 12, 2017
WARARKA MAANTA Feebaraaayo 08, 2017

Muqdisho Feebaraayo 09, 2017 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Aadan Axmed oo si toos ah uga hadlay TV-ga Qaranka ayaa sheegay in Rasaasta ay Ridayaan Ciidanka Dowladda Federaalka in ay lidi ku tahay amniga Dalka.

Waxa uu sheegay in xabadaha ay ridayaan Ciidanka Dowladda ay yihiin kuwa Hanti Qaran, loona baahan yahay in ay xafidaan maadaama sida uu sheegay aysan Soomaaliya sameysan Hub fara badan.

Waxa uu ugu baaqay Ciidanka in ay ilaaliyaan guud ahaan amniga Dalka iyo xasiloonida Dalka, si loo gaaro hormar loo wada dhan yahay.
Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd Habeen wanaagsan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taageersan yihiiin.

Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd Habeen wanaagsan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taagersan yihiiin.

Maraykanka Feebaraayo 09, 2017Dowlada Mareykanka ayaa u hambalyeysay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay si aqlabiyad leh ay Baarlamaanka Soomaaliya ugu doorteen gudaha magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu si dhaw ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhiirigelisay hoggaanka cusub ee Soomaaliya inuu tallaabo la aamini karo uu u qaado sidii uu uga taqalusi lahaa musuq-maasuqa iyo sidii uu u sameyn lahaa Hay’ado xoog leh oo ka soo shaqeeya Doorashooyinka soo socda, si loo suurageliyo in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020-ka.

Bayaanka Waaxda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu Madaxweynaha iyo dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeyn doono sare-uqaadida dib u heshiisiinta, howlaha gurmadka abaaraha, amaanka iyo dhisida Hay,ado xoog leh oo fuliya Dowlad wanaag iyo horumarinta umadda Soomaaliyeed.

Muqdisho Feebaraayo 09, 2017 Xalay Muqdisho waxaa la riday Rasaas aad u fara badan, taas oo markii hore ay dad u maleynayeen Dagaal toos ah, balse ay aheyd oo keliya Dabaaldeg, waxaana wadooyinka Muqdisho isugu soo baxay shacab aad u fara badan, taas oo sababtay in la kala garan waayo Ciidamada iyo dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shacabka kala halay Warbaahinta Dowladda ayaa ku baaqay in xaalada la dejiyo si Rasaasta Ciidamada ay ridayaan aysan u geysan waxyeelo, isagoo sidoo kale aad u amaanay Ciidanka Ammaanka, oo ka hortagay in ay dhacdo Arbushaad xilliga Doorashada.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa Ciidanka ku dhiira geliyay qaabka ay amniga u sugayaan, isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay adkeeyaan amniga, wixii hada ka dambeeyana ay nolosha noqon doonto mid caadi ah.

Nairobi Feebaraayo 09, 2017 Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, qaxootiga halkaa ku noolna ay dib ugu celiso Soomaaliya.

Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn.

Dolwadda ayaa soo saartay amarka xiritaanka xerada Dhadhaab sanadkii la soo dhaafay.

Feebaraayo 09, 2017 Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson ayaa sheegay inay Dowladiisa u hambalyeynayaan Madaxweynaha la-doortay ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay inay Somalia samaysay Horumar weyn o oay kaga soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye ee 20-ka sanno socday, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Farmaajo soo wajahi doonaan Marxallado muhiim ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson waxa uu sheegay inuu danaynayo Kulan uu la qaato Madaxweynaha cusub Somalia iyo inuu kala shaqeeyo sidii loo wadaagi lahaa mudnaanta sidii loo yarayn lahaa Macluusha, xaqiijinta Ammaanka o oay ku jirto Dib-u-habayan lagu sameeyo Qeybta Ammaanka Somalia

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd ayaa soo dhaweeyey Doorashadda Madaxweyne Farm,aajo.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inay Dowladaha Jaamacadda Carabta sii wadi doonaan Taageeradda ay la garab taagan Dowladda Federalka iyo Ummadda Soomaalida

Muqdisho Feebaraayo 09, 2017Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhagaxaanta waa weyn ee lagu jaray wadooyinka Muqdisho, in aysan aheyn kuwo lagu sugi karo amniga.

Waxa uu sheegay dhagaxaanta wadooyinka lagu jaray muhiim in ay tahay in laga qaado, islamarkaana dadka shacabka ah ay sugtaan amnigooda, kana hortagaan amni darada.

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay wadooyinka xiran in ay ciriiri geliyeen isu socodka, caro iyo dhagaxna uusan amni sugin.

Wadooyin badan oo Muqdisho ka tirsan, Hoteelo iyo xarumo Dowladeed ayaa waxaa lagu jaray dhagaxaan waa weyn oo loo maciin baday sugida amniga.

Muqdisho Feebaraayo 09, 2017 Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa Hotelka Jaziira waxa uu casho sharaf ugu sameeyay Musharaxiintii uu kaga guuleestay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay inta badan Musharaxiintii Farmaajo kula tartantay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna Musharaxiintan u badnaayeen kuwii isku baheestay in isbadal lagu sameeyo Hogaanka dalka.

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cumar C/Rashiid ayaan kamid aheed Musharaxiintii caawa kasoo qeyb gashay Casha sharafta uu sameeyhay Madaxweynaha Guuleestay ee Maxamed Farmaajo.

Musharaxiintii caawa a kulantay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kawada hadleen guushii ay ka gaareen in isbadal lagu sameeyo Hogaanka uuna midkood kusoo baxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku helnay Musharaxiinta qaarkood ayaa Madaxweynaha cusub xasuusiyay balantii ay wada galeen intii olalaha socday, waxa ayna qaarkood codsadeen in lagu soo daro Xukuumada cusub uu soo dhisi doono Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Musharaxiinta uu la kulmay taageeradii aan la ilaawi karin ee siiyeen, waxa uuna sheegay in mar walbo uu u baahan yahay taladooda iyo taageeradooda uuna soo dhaweyn doono.

Musharaxiinta Madaxweyne ayaa iski baheestay in ay xilka ka tuuraan Madaxweyne Xasan Sheekh ayna codkooda ugu dambeyn wada siiyaan Musharaxa ugu codadka badnaaada una soo baxa wareega ugu dameeya taa oo ay ka dhabeeyeen Musharaxinta sida muuqata.























Muqdisho Feebaraayo 09, 2017 Somaliland ayaa si taxadar leh uga hadashay Doorashaddii Madaxweynaha Cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan waxa ay ugu yeereen Go’aankii ka soo baxay Golaha Barlamaanka Somalia ee ay ku xulanayeen Mudanaha loo dhiibayo Talada dalka Somalia.

War-saxaafadeedka uu ku saxiixnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Adan Cige (deyr) waxa uu u qornaa sidatan:

Xukuumadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa go’aankii ka soo baxay kulanadii is-daba joogga ahaa ee ay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku kala cuganayeen Mudanaha loo dhiibayo Hoggaanka iyo talada dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waanu ku hambalyeynaynaa xilkaa loo igmaday waxaanannu ALLAH uga baryeynaa inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa ku asturo.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho iyo xal waara oo loo helo arrinta murugada leh ee ka jirta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland waxa si dhab ah uga go’an in la da-dar geliyo oo la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaanu Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqaynaa inuu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaaday Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee ku suntanaa faro-gelinta iyo carqaladaynta Qadiyadda iyo Gooni isu-taagga JSL. Madaxweyne Farmaajo waxaanu kula talinaynaa inuu muhimadda koowaad siiyo sidii u dalkiisa iyo dadkiisa ugu horseedi lahaa nabad iyo degenaansho waarta taasoo ay ku jirto danaha iyo maslaxadaha jaarnimo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland aanay meteli karin shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aan haysanin kalsoonidooda. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah Madaxweyne iyo M/weyne ku xigeen ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah iyo Goleyaal Qaran oo ku yimi rabitaanka iyo Codka ummadda JSL.

Guntii iyo gebagabadii, JSL waxay xasuusinaysaa Madaxweyne Farmaajo in Somaliland ay tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka, waxayna diyaar u tahay inay soo fadhiisato gole kasta oo caalami ah oo xaajadeeda lagu gorfaynayo.

WARARKA MAANTA Feebaraaayo 08, 2017


Image may contain: 1 person, suit, sunglasses and eyeglasses

Ku soo dhawaada Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Fedeeraalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmajo.
#Welcome to the Somalia's new #President H.E. Mohamed Abdillahi Farmajo, & we thank to #Somalia's Lower & Upper House of Representatives

Su'aasha Maanta: Haddii Ummadda Soomaaliyeed Iyo Beesha Caalamkaba ku tilmaameen inay doorashadan tahay mida ugu musuqmaasuqa badan ee soo martay taariikhda Ummadda Soomaaliya? Ma waxaa cad inay Ummadda Soomaaliyeed Iyo Beesha Caalamka aysan wax shaqayn iyo dhaqaallo siin doonin dadkii ku guuldaraystay 4 sanno ee la soo dhaafay kuwaasoo aan la siin dhaqaalihii loo ballanqaaday gudaha iyo dibaddaba? Yaase mudan inuu hoggaamiyo Ummadda Soomaaliyeed 4 sanno ee soo socota?

Muqdisho Feebaraayo 08, 2017 Wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dhamaan xiran, waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada iyadoo maanta ay dhaceyso Doorashada Madaxweynenaha Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda shirar u dhexeeya qaar ka mid ah Musharrixiinta, iyadoo qaar kalena ay ka hareen tartanka, oo ay tanaasuleen.

C/laahi Cali Xasan iyo C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka tanaasulay Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamanka ayaa iyaguna aad u mashquulsan oo marba Musharax la kulmaya, ayada oo la isku dayayo in la kasbado codadkooda ka hor Doorashada maanta dhaceysa.

Muqdisho Feebaraayo 08, 2017 Hanaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay mid u burbursan sidii kaabayaasha dalka oo kale. Ma jiro diiwaanka cod bixiyeyaasha, mana jiro sidoo kale hanaanka kaararka aqoonsiga ee muwaadinnimo.

Doorashooyinka iminka dhacaya ma noqon doonaan kuwii ugu dimoqaraadiyeysnaa, laakinse haddii doorashada madaxweynaha ay todobaadkan hagaagto, ayaa waxaa loo arkaa inay noqonayso tallaabo aad u weyn oo loo qaaday mustaqbalka Soomaaliya .

Boqolaal ciidammada ammaanka aya ku sugan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo la xiray. Waxaa sidoo kale la hakin doonaa duulimaadyada maalinta Arbacada ah ee ay doorashadu dhaceyso.

Mid ka mid ah walaacyada ugu weyn ee hareeyay doorashadan ayaa ah Musuqmaasuqa. Wax is daba marin xoog leh ayaa la sheegayaa in ay ka dhacaday doorashadii baarlamaanka marakaasoo xildhibaannada qaarkood la sheegay inay codadka iibsadeen. Khubaro ayaa ka digaya in musuqmaasuqu uu wiiqi karo kalsoonidii muwaadiniinta, kuwaasoo horeba aan ugu faraxsanayn inaysan toos u dooranin madaxweynaha.

”Way ka fiicantahay doorashooyinkii horay u dhacay, balse shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan wax ka fiican doorashadan. Waana la sameyn karay runtii oo wakhti fiican oo lagu sameeyo ayaa la haystay”, ayuu yiri Mursal Saney oo ka tirsan machadka Heritage.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo la adkeeyay maalin ka hor doorashada

Cumar Cabdirashiid oo ka digay ‘faragelinta’ doorashada ee dalalka deriska ah

Waxaa cabsi laga qabaa in kooxda Al- Shabaab ayaa soo qaado weerar inta ay socoto doorashada.

Labada aqal ee baarlamaanka ayaa qof kaliya ka dooran doona dhowr iyo labaatanka murashax ee dhamaantood ragga ah ee doonaya inay noqdaan madaxweynaha soo socda.

Si haddaba ay doorashadan u dhacdo ayaa 135 oday-beeleed waxay soo xuleen in ka badan 14,000 oo wakil oo dalka oo dhan ka kala yimid.

Wakiillada ayaa dabadeed waxay doorteen xubnaha aqalka hoose , ayadoo xubnaha aqalka sarena ay soo doorteen ergooyin fariistay xarumaha maamul goboleedyada.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed: Doorashada wax isdabimarin halaga ilaaliyo

Guud ahaan 329 xildhibaan ayaa la soo doortay, ayaga ayaana iminka noqonaya kuwa madaxweynaha soo socda soo dooran doona.Dumar badan ayaa qayb ka noqonaya hanaanka doorashada, kuwaasoo ah ilaa 26% codadka baarlamaanka.

Labo dumar ah oo ay ka mid tahay Faaduma Dayib, kuwaasoo hore u sheegay inay doonayaan inay madaxweynenimada u tartamaan, ayaa ka laabtay.

Dagaallo soconayey ku dhawaad 30 sano ayaa dalka burburiyey, ayadoo qabaa’ilkuna u dagaallamayaan sidii ay Soomaaliya u koontarooli lahaayeen.

Dadka Soomaaliyeed waxay iminka rajo ka qabaan in haddii doorashooyinkan hagaagaan ay ku xigi karaan kuwo kale oo la qabto 2020, waxaase ka horraynaya in la helo madaxweyne iyo xukuumad shaqeeya.

Muqdisho Feebaraayo 08, 2017 Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay u taagan yihiin 22 Musharax bilaabashadeeda ayaa waxaa ka harsan saacado, maadaama maanta oo Arbacao ah loo qorsheeyay in la qabto.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxa ay aheyd mid mashquul badan, marka loo eego xaga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoteelada ugu waa weyn ee Muqdisho iyo guryaha Musharaxiinta waxaa xalay ilaa saakay aroorti ka socday kulamo ay yeelanayeen Musharaxiinta iyo xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Musharaxiinta ayaa xildhibaanada Dowladda Federaalka ku sameynayay xod xodosho, taas oo ay ku weydiisanayaan codkooda, waxaana ay u sameynayeen balan qaadyo.

Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid degan, waxaana dhaq dhaqaaqa uu yahay mid aad u yar, maadaama dadka mar hore lagu wargeliyay in uusan dhaq dhaqaaq jirin maalmaha Doorashada Madaxweynaha.

Soomaalida meel walba oo ay joogaan ayaa waxa ay isku diyaarinayaan Daawashada iyo dhageysiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo saacado kadib ka bilaaban doonta xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.

Muqdisho Feebaraayo 08, 2017 Allaha u naxariistee waxaa Xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Ibraahim Gardhuub.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu xanuunsanaa maalmihii ugu danbeeyay isla markaana Xalay uu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale Waxaa Wararku ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu Wadnahu Istaagay sidaana uu ku dhintay.

Duqa Muqdisho ayaa Ka Tacsiyeeyey Geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Weyne C/llahi Sahal Gardhuub, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho,inkastoo ay Wadooyinku u Xiran yihiin Arrimaha Doorashada.

Qadra Feebaraayo 08, 2017 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan, ayaa wuxuu ka hadlay Doorashada maanta lagu wado in ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.

C/qaasim Salaad Xasan, ayaa arrin dadka iyo dalkuba u baahan yihiin ku sheegay in la soo doorto madaxweyne, hadhow soo xulan kara Ra’iisal Wasaaraha soo xusha Gole Wasiiro oo tayo leh.

C/qaasim Salaad Xasan oo la hadlay VOA, lana weydiiyay rajada uu ka qabo dowlad amniga hanata oo Somaliya yeelato, ayuu sheegay in rajadiisa ay aad wayn u tahay.

Laba iyo labaatan Musharax, ayaa waxaa hadda la’ogyahay in ay u sharaxan yihiin jegada madaxtinimada dalka, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemay baaxadda ololaha ay ka wadaan

Muqdisho Feebaraayo 08, 2017 Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa qaba in Doorashada laga ilaaliyo wax is daba marin, maadaama loo baahan yahay in la helo Hoggaamiye daacad ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay in ay doortaan Madaxweyne dalka, dadka iyo diinta wax u qabta, si dalka uu uga saaro cakirnaanta hada uu ku jiro.

Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhismo ku yaalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Afasiyooni waxaa ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ay ku tartamayaan Musharaxiin fara badan.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo ka hortagaya falalka la xiriira amni darada.



February 2017

 

WARARKA MAANTA Feebaraayo 0, 20173

WARARKA MAANTA Feebaraayo 02, 2017

Su'aasha Maanta: Ma khaa'inul waddan Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud baa amray in la faafiyo runta iyo lugooyadii uu geliyey Ummadda Somaaliyeed? Mise Ummadda Soomaaliya iyo warbaahinta ayaa nacday daba-dhilifnimadiisa? Meeqo lacag ah ayaa uu ka xaday Ummadda Soomaaliyeed madaxweynihii hore ee Soomaaliya Damu-Jadiid Mudane Xassan Shiikh Maxamuud iyo kooxdiisa khaa'imiinta Damu-Jadiid ee cayrisay se


January 2017

 

WARARKA MAANTA Janaayo 18, 2018
Su'aasha Maanta: Maxay tahat sababta Xildhibaan Maamulka Koonfur Gableed ay rabaan inay xilka uga qaadaan Shariif Xassan Shiikh Aadan "Shariif Sakiin"? Maxayse Xildhibaannadda Maamulka Puntland u diyaarinayaan inay xilka ka qaadaan Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas kadib markii uu ku guuldaraystay inuu wax qabto amniga dowlad gobaleedka Puntland xitaa har-cad la billaabay in gabdhaha lagu kufsado magaalooyinka waaweyn ee Puntland?
Galdogob Janaayo 18, 2017 Waxaa Halkan idin kugu Soo gudbineynaa Wareysi Cabdi Maalik Coldoon la yeeshay Gabadhii lagu kufsaday Magaalada Galdogob ayaa Sheegtay in Raga kufsaday ay sixun oo bini aadanimada ka baxsan ula dhaqmeen sido kale ay Sharafteeda Gabarnimo meel xun uga dhaceen https://www.youtube.com/watch?time_continue=3&v=PvcvY2Lh6fU
Baydhabo Janaayo 18, 2017 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay Mooshin ka keenayaan Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cusmaan Maxamed Caato oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed  ayaa sheegay in Mooshin ay u keeneen sababo la xariira xil gudasha la’aan ku timid Madaxda Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Mooshinka xildhibaanada keenay ay dhan yihiin 84 mudane , islamarkaana ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Shariif.

Waxaa uu tilmaamay labadii sano ee uu xilka hayay in uusan waxba u qaban bulshada kunool gobolada Bay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Garoowe Janaayo 18, 2017 Sida uu Sheegay Taliye kuxigeenka Saldhiga Garowe Cali Maxamed Muuse (Cali Kalluun) Gabadhaan ayaa Lagu qabtay Kadib Markii Ay Xanuunkaasi Qaad siisay Sargal ka Tirsan Booliska oo Garowe mar ku Guursaday, Iyo Dadkale oo looga Shakisanyahay

Taliyahu wuxuu Beeniyay in Gabadhaasi ay ku soo socoto Bosaso, Asagoona Sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan sharciga loo horgeynayo, Haweyneydaasi Xanuunka Faafinaysay,

Siduu Sheegay wey Xirantahay, Waxeyna Haweyneydaasi ka soo Jeeda Deegaanada Somaliland, isagoo Sheegay iney la soo xiriireen Ehelkeeda kana warqabaan iney xirantahay,

Taliyaha ayaa mar la weydiiyay qaabkii ay ugu suurtowday iney haweynaydaasi gacanta ku soo dhigaan ayuu sheegay in ay Haweynaydaasi guursatay ninka Booliska ah kadibna Markii uu furay ay u sheegtay iney sumeysay Dantii ay laheydna ka Gaartay

Dhinaca Kale wuxuu been abuur ku tilmaamay warara Sheegaya in Gabadhaasi ay ku soo socto Boosaso, oo doonayso iney ku faafiso Cudurka, Wuxuuna been abuur ku tilmaamay Warar lagu faafiyay Baraha Bulshada,

Maalmahan ayaa Aad looga hadal Hayay Baraha Bulshada Sawirro laga faafiyay gabadhaasi oo lagu sheegayay iney
Cudurka ku faafinayso deegaanada Puntland,

Gambia Janaayo 18, 2017 Madaxweyanaha dalka Gambiya Yaxya Jammeh ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu wadankiisa gelayo isaga oo sheegay in dalal shisheeye ay farageliyeen doorashadii halkaasi ka dhacday.

Adama Barrow ayaa bishii la soo dhafay madaxweyne Jammeh kaga guuleystay doorashadii ka dhacaday Gambiya.

Yaxya Jammeh oo difaaca talaabada uu qadaay ayaa xusay in xaalad degdeg ah oo lagu dhawaaqo loo baahanyahay madama sida uu hadalka u dhigay ay jirtay faragelin sisheeye oo xad dhaaf ah sido kalena anan horay loo arag.

Waxaa uu dhanka kale telefishinka dolwada ka sheegay in faraha lala galay arrimaha gudaha ee dalkiisa.

Sido kale madaxweynahan oo ku adkeysanayo in uu xilka sii hayo ayaa faragelintaasi ku tilmaamay in ay keentay xasarad anan loo baahneyn oo halis galisay xornimada, amaanka iyo xasiloonida Gambiya.

Dastuurka Gambiya ayaa qabo in xaalad degdeg ah oo uu madaxweynaha ku dhawaqay uu wadanka ku jirayo mudo 7 maalmood ah balse hadii baarlamaanka uu ansaxiyo ay qadaaneyso 90 maalmood.

Iyada oo ay xaalada sidan tahay ayaa lagus oo waramaya in 7 ka mid ah wariyaasha ajnabiga ah laga mamnucay in ay galaan dalka Gambiya.

Galmudug Janaayo 18, 2017 Wasiiro katirsan maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Baarlamaanka dhawaan Xilka ka qaadeen C/Kariin Xuseen Guuleed in uu aqbalo xil ka qaadista lagu sameeyay.

Wasiir dowlaha wasarada Kaluumeesiga ee maamulka Galmudug Juneyd Ismaaciil Cigale ,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magalaada Muqdisho ku kulmeen qaar kamid ah golaha Wasiirada Galmudug ayna taageereen go’aankii Baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in isku raaceen Wasiirada kulmay in ay taageeraan Go;aankii Baarkamaanka kalsoonida kala noqdeen Guuleed, waxa ayna ugu baaqeyn Madaxweynaha Galmudug in uu aqbalo go’aanka Baarlamaanka xilkana isaga dago.
Waxa uu sheegay Juneyd Ismaaciil Cigale in ay ka xun yihiin in xiligan Galmudug ay gasho marxalad xun , waxa uuna tilmaamay in Muhiim tahay Madaxweynaha in uu meesha isaga tago si loo bad baadiyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa wali diidan in uu aqbalo go’aankii ay dhawaan xilka uga qaadeen Baarlamaanka Galmudug, waxaana xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay magaalada Cadaado oo maamulka Galmudug Xarun KMG u ah.

Jubbaland State Janaayo 18, 2017 Shacabka kunool degaanada maamulka Jubbaland laga doonayo in ay gacanta dowladda ay kusoo celiyaan dhulkii ay la aheyd dowladdii dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid haysan karta dhulkaasi , islamarkaana laga rabo dadka haystaa in ay kusoo wareejiyaan maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay tilaabo ka qaadi doonto dadkaasi hadii aysan Jubbaland usoo gacan gelin dhulkaasi.

Magaalada Kismaayo oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waa weyn Soomaaliya ayaa dowladdii dhexe waxaa ay ku laheyd dhulal aad u farabadan , waxaana xilliyadii burburka la wareegay Shaqsiyaad gaarka ah oo wali gacanta ku haya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in aysan dadka kunool Kismaayo aysan ka yeeli doonin in ay gacanta ku hayaan dhulkii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe , islamarkaana dhulkaasi uu hadda u baahan yahay maamulka Jubbaland.

Muqdisho Janaayo 18, 2017Al-Shabaab "UGUS" ayaa toogtay Askari u dhashay dalka Uganda oo ay gacanta ku hayeen, waxaana Askarigaasi lagu qabtay dagaal Al-Shabaab iyo AMISOM dhexmaray Bishii September ee Sanadkii 2015 tii.

Sida ay daabacayaan Warbaahinta Caalamka Al-Shabaab ayaa Muuqaal ka soo duubay Askarigaasi ka hor inta aysan dilin.

Askarigaasi ayaa sheegay in ay dayacday dowladda Uganda ,islamarkaana muddo ka badan Hal sano uu gacanta ugu jiray Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Uganda oo si weyn u hadal haysa arintaani ayaa sheegaya in Askarigaasi ay dhagaha ka furaysatay dowladda, waxaana qaar ka mid ah Ehelada Askarikaasi ay sheegeen in ay muhiim aheyd in dowladdu ay wadahadal la gasho Al-Shabaab ka hor inta aan la toogan.

Dowladda Uganda ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay soo furanayso Askarigaasi sanadkii 2016 dii.

Ilaa iyo hadda majirto Wax war ah oo kasoo baxay dowladda Uganda oo ku aadan toogashada loo geysatay Askarigaasi ka tirsanaa ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

New York Janaayo 18, 2017 Warbixin uu Xoghaayaha Guud ee QM u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Dowladda Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM dileen 92-qof oo rayid ah afartii bilood ee ugu dambaysay sannadkii 2016-kii.

Warbixinta oo ka koobnayd 20-bog waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Boliska iyo kuwa Milliteriga ee DF mas’uul ka yihiin dilka 55 qof oo rayid ahaa, halka 37-kalena ku baxeen gacanta Askarta AMISOM.

Xoghaayaha Guud ee QM waxa uu Warbixintiisa ku sheegay inay Ergadda QM u joogta Somalia sii wadaan inay AMISOM ku xiriiriyaan eedeymaha sheegayo inay geystaan Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Aadminimadda.

Warbixinta waxaa lagu xusay inay Alshabaab ku dhaqaaqday weeraro loo adeegsaday gaadiid miineysan, si ay dareen cabsi leh oo amni-xumo leh u abuuraan muddada ay socdaan Doorashooyinka., waa sida lagu xusay Warbixinta uu Xoghaayaha Guud ee QM u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in ay Amni-xumida kaalin ka qaadatay dib-u-dhaca Mushaaraadka Ciiddanka Dowladda oo aan in ka badan 12 bilood wax mushaaraad ah la siinin, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta waxaa lagu soo gunaanaday inay Mushaaraadka ay Deeq bixiyayaasha bixiyeen si caadi ah loo siiyo Ciiddanka Milliteriga, Boliska Federalka iyo 1,000 Saraakiisha Bolis-gobaleedka ku sugan magaallooyinka Baydhabo iyo Kismaayo, balse lama shaacinin kharajka lagu bixiyo Mushaaraadkaasi.

Muqdisho Janaayo 18, 2017 Qarax ayaa saaka waxa uu ka dhacay Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir kaas oo sida la sheegay ahaa Bam nuuca gacanta lagu tuuro ah.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Bam Gacmeed lagu tuuray Laanta 3aad ee degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Bam Gacmeedkaasi la sheegay in lagu tuuray Laanta 3aad ee degmada Wardhiigleey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo Masuuliyiinta degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

dir kaas oo sida la sheegay ahaa Bam nuuca gacanta lagu tuuro ah.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Bam Gacmeed lagu tuuray Laanta 3aad ee degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Bam Gacmeedkaasi la sheegay in lagu tuuray Laanta 3aad ee degmada Wardhiigleey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo Masuuliyiinta degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.


WARARKA MAANTA Janaayo 17, 2017
Su'aasha Maanta: Ma is-weydiiyeen Shacabka Soomaaliyeed maxay khaa'iimiinta argagixisadda Damu-Jadiid ay u soo celin la' yihiin lacagtii ay ka dhaceen Ummadda Soomaaliyeed si loogu soo gato cunto ay abaaraha uga baxaan ayaga iyo xoolaha sii baaba'aya?  Mise waxuu umaleeyaa Madaxweynihii hore ee Damu-Jadiid Xassan Shiikh Maxamuud inuu Ummadda Soomaaliyeed sii lugooyn karo Ummadda Soomaaliyeed Muddo 4 sanno oo kale? Soomaaliya waxay u baahan tahay Madaxweyne Iyo Ra'iisal Wasaare Cusub? Marka runta waa loo sheegay khaa'inul waddan Xassan Shiikh Maxamuud Iyo Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ahaa daba-dhilifkii dumiyey laba xukuumaddood ay kala hoggaaminayeen laba ra'iisal wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Iyo Cabdiwli Shiikh Axmed marka Ummadda Soomaaliyeed way ogtahay khasaaraha aan la soo koobi karin ee aad geliseen dalka Soomaaliya muddadii 4 sanno ee aad xilka ku qabsateen sharci-darro la dhoodhoobay.
Kampala Janaayo 17, 2017 Rag culus oo Kampala uga dhawaaqay go'aan aysan filayn Ururka Argagixisadda Damu-Jadiid https://www.youtube.com/watch?v=kxIOM_sAvC4

Muqdisho Janaayo 17, 2017 Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ahna gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay u baahan tahay ciidamo dheeraad ah.

Waxaa uu sheegay in hoos u dhac uu ku imaan doono ciidanka AMISOM ee Joogga Soomaaliya ,madaam ay suurta gal tahay in dowladdo badan ay kala baxaan dalka Soomaaliya ciidamada ka joogga sidaas darteedna loo baahan yahay in AMISOM lagu soo kordhiyo ku dhawaad 9000 kun oo Askari.

Francisco Madeira ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdo badan oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ku hanjabeen in ay ciidankooda ay kala baxayaan Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jirto dhaqaalo xumo soo wajahday ciidanka AMISOM.

Tirada ciidanka AMISOM ee Joogga Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay adag tahay in ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Francisco Madeira ayaa kusoo beegmaya Xilli dhowr dowladood ay ku hanjabeen in ay ciidankooda ay kala baxayaan Soomaaliya.

Cadaado Janaayo 17, 2017Dagaal xooggan ayaa ka billowday magaalada Cadaado, ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xiisado ka dhashay xil-ka-qaadistii Xildhibaanada ku sameeyeen Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada NISA ay tageen xarunta Baarlamaanka, halkaasi oo ilaalo ka hayeen Booliska Galmudug, oo la sheegay inuu ka biyo diideen amar kasoo baxay Guuleed oo ku aadan inay xiraan xarunta, si aysan ugu shirin Xildhibaanada xilka ka qaaday.

Goob joogayaal, ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas xoogan iyo hugunka hubka culus, oo Ciidamada NISA iyo booliska isku waydaarsanayaan nawaaxiga xarunta Baarlamaanka.

7 Askar oo 4 kamid ah NISA katirsantahay ayaa ku dhaawacmay isku dhaca labada ciidanka, iyadoo aysan jirin cid katirsan laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ka hadashay dagaalka socda.

Madaxweyne Guuleed, ayaa wax kadib xilka qaadista lagu sameeyay ku laabtay magaalada Cadaado isagoo maamulkaas kusoo rogay xaalad deg deg ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxa’ed Xaashi Carabeey, oo kula kulmay shalay Cadaado Taliyaha AMISOM Gen. Soubagle, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka socdo AMISOM si xiisada loo qaboojiyo.

Madaxda Somalida, beesha Caalamka iyo AMISOM ayaa si wadajir ah ugu baaqday Saraakiisha Galmudug inay Nabada ilaadhan

Baydhabo Janaayo 17, 2017 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dalbaday ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM in ay ka shaqeyaan sidii amni buuxa looga dhalin lahaa wadada isku xirta Muqdisho iyo sidoo kale Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho iyo sidoo kale Baydhabo ay isku jiraan 240 KM , islamarkaana ammaanka wadadaasi uusan hagaagsaneyn.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la qaado howlgal deg deg.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in Koonfur Galbeed ay ka shaqeyn doonto sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka wadadaasi

Muqdisho Janaayo 17, 2017 Howlgal ay xalay Ciidamada Hay’adda Nabad suggida ee NISA ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada muqdisho waxa ay ku qabteen Koox burcad ah oo Guri ku yaalla degmadaasi ku sameynaayay Lacag Doolar been abuur ah.

Hay’adda NISA ayaa Sheegtay ay la wareegtay Warshaddii iyo Qalabkii lagu dhaqayay Lacagahaasi Been Abuurka ah, iyadoo Xabsiga loo taxaabay ilaa lix ruux oo lagu tuhmaayo in ay ka shaqeynaayeen Warshadda.

Taliska NISA wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamadu Fuliyeen uu ku dhintay Askari katirsan Ciidamada midkalana uu kaga dhaawacmay kadib markii Kooxda Burcadda ah ay isku dayeen in ay iska Caabiyaan Ciidamada.

Ciidamada Nabad suggida ayaa habeenadii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Puntland State Janaayo 17, 2017 Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay howlgal ka wadaan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgalka ayaa yimid ka dib markii ay korortay Amni darada Magaalada Boosaaso oo ka mid aheyd Magaalooyinka ugu Ammaanka badan Soomaaliya.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Boosaaso ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi iyo sidii loo soo qab qaban lahaa raggii ka dambeeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Shalay gelinkii dambe ayaa Magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo Sidoo kale Askari Boolis ah oo la socday.

Sidoo kale Magaalada Boosaaso ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayay dilal qorshaysan oo loo geysanayay Mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Jubbaland State Janaayo 17, 2017 Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Maamulka Jubbalandna u ah Xarunta KMG ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland uu Magaalada ku dhex dilay Askari kale oo asna ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Askariga la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cabdi Afeey.

Askariga Dilka geystay ayaa ka baxsaday Goobtii uu ku dilay Askariga kale,waxaana Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ay sheegeen in ay wadaan Baaritaano lagu soo qabanayo.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegtay Sababta ka dambeysa ee Askariga uu u dilay Askariga kale

WARARKA MAANTA Janaayo 14, 2017

Su'aasha Maanta: Maxay tahay sababta uu hadda u kashifay musuqmaasuqa baahsan ee Kooxda #Damu-Jadiid Iyo Mudane Damu-Jadiid Xassan Shiikh Maxamuud oo ku guuldaraystay hoggaanka dalka muddadii 4 sanno ee la soo dhaafay? Mise doqon khaa'in ah ma damqado ilaa qadaadka la qabto oo runta taabsiiyo sida uu xuquuqda dadlka Banaadir u duudsiiyey, dhegeyso hee sida Somali Cable doodan u qabatay: https://www.youtube.com/watch?v=asQb4zZrMw4

Muqdisho Janaayo 14, 2017 Wasiir dowlaha Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin mushaar la’aan.

Khaalid ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidanka xoogga aysan mushaar qaadan muddo ku dhow 7 bilood.

Liiska Wasaarada Maaliyadda ayuu sheegay in ay ku cadahay in aysan mushaar qaadan shaqaalaha dowladda.

Inta badan ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda oo ah xubnaha ugu muhiimsan shaqada dowladnimada Soomaaliya ayaa la sheegaya in mushaarka ay ku shaqeeyaan uu ka maqnaado muddo badan.

Xilliyada kala guurka ah ayaa ah waqtiyada ugu badan oo ay shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka Xoogga dalka aysan qaadan mushaarka.

Muqdisho Janaayo 14, 2017 Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku guuldareystay hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan ku dhawaad 100 mudane ay u diyaar garoobeen in isbadel uu ku yimaado hoggaanka Sare ee dalka Xilliga doorashada.

Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada Midoobay ay doonayaan in ay doortaan hoggaan cusub marka la gaaro xilliga doorashada.

Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale xusay in Isbadel ku yimaada Madaxda Qaranka uu yahay mid waxtar uleh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Muqdisho Janaayo 14, 2017 Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

War kasoo baxay ururka Midowga Yurub ayaa loogu baaqay hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan dejinta Siyaasad leh sharci iyo kala dambeyn.

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale doorashadii xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga ee ka dhaqan gashay Soomaaliya.

Waxaa loogu baaqay warka kasoo baxay Ururka Midowga Yurub in xildhibaanada cusub looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo nabadeynta Geeska Afrika.

“Xubnaha Ururka Midowga Yurub waxaa ay rajo fiican ay ka muujiyaan doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka rajeynaynaa in ay diirada saari doonaan in ay ka hortagaan caqabadaha cusub ee soo wajihi kara” ayaa lagu yiri warka ururka Midowga Yurub.

Ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in tahay guul usoo hoyatay dalalka Geeska Afrika dhammaan doorashada Afhayeenka golaha Shacbiga Soomaaliyeed.

“Waxaa ugu baaqaynaa xildhibaanada cusub in ay kasbaan kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed ee ay matalayaan” ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Yurub.

Muqdisho Janaayo 14, 2017 War Qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitter-ka islamarkaana la sheegay inuu ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu beeniyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka qeyb galay Shir Qadka Taleefanka lagu qabtay oo ay yeesheen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Warka ayaa lagu sheegay in Xilligaan aysan jirin Wax la yiraado Madal wada-tashi oo uu dhacay Waqtigeedii islamarkaana uu hadda Dalka Baarlamaan ka jiro,Baarlamaankuna uu badalay.

Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo lagu sheegay in Madashu ay shireen ayaa ahaa mid looga hadlay Xaaladda hadda ka jirta Galmudug,inkastoo Guddoomiye Jawaari uu beeniyay inuu ka qeyb galay.

Washington DC Janaayo 14, 2017 Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, oo ka hadlay qaar ka mid ah siyaasadahiisa dibadda

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Ruushka iyo Shiinaha, taasise ay ku xiran tahay sida ay iyagu ula shaqeeyaan.

Mr Trump ayaa u sheegay wargeyska Wall Street in cunaqabataynta dhawaan lagu soo rogay Ruushka ay sii jiri doonaan “ugu yaraan intii muddo ah” hasayeeshee markaa kaddib la qaadi doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga wadahadli karo siyaasadda dalkiisa ee ku aadan Shiine midaysan, maadaama siyaasaddaasi jirtona uusan Mareykanku aqoonsanayn Taiwan.

Dhanka kale, guddiga senate-ka Mareykanka ayaa baari doona eedaha sheegaya in Ruushku uu isku dayay inuu faragelin ku sameeyo doorashadii madaxtinimada waddankaasi.

Wareysigiisa ayuu Mr Trump ku sheegay in cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka ay suuragal tahay in la qaado haddii Moscow ay Washington ka caawiso dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada Islaamiga iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo inuu wadahadal la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Arrinta Beijing-na, Mr Trump waxa uu sheegay in Shiinaha ay tahay inuu u ogolaado shirkadaha Mareykanka ay la tartamaan kuwa Shiinaha lacagtana uu ogolaado in suuqu sicirkeeda jaangooyo.

Cadaado Janaayo 14, 2017 Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan waxaa uu uga socdaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Kulankaan ayaa lagu soo waramayaa in xildhibaanada ay uga hadlayaan arimo khuseeya Xaalada Galmudug oo ay ka mid tahay xil ka qaadistii ay sheegeen in ay ku sameeyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa horay u sheegay in kulanka ugu horeeya ee ay yeeshaan ay ku magacaabi doonaan Guddi doorasho , inkastoo aan si cad loo qeexi karin waxyaabaha ay ka hadlayaan xildhibaanada.

Mudanayaasha uu kulanku u socda ayaa sheegay in ay warbaahinta ay usoo bandhigi doonaan waxyaabaha kasoo baxa kulanka.

Cadaado Janaayo 14, 2017 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta ciidamo dheeraad ah la geeyay Hoteelada iyo xarumaha ay ku shiraan xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug Qaarkood ayaa waxa ay doonayaan in ay ku shiraan Hotelada si ay ugu dhawaaqaan guddi ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Waxgaradka Magaalada ayaa waxa ay wadaan dadaalo looga hortagayo in ay dhacaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada Ammaanka iyo sidoo kale xildhibaanada .

Shalay ayay aheyd markii Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug loo diiday in ay galaan Hotel ay qado ku la haayeen.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo sidoo kale goobaha ugu muhiimsan Magaalada Joogga ciidan.

Degaanada maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku jiraan xaalad deg deg ah.

Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Cadaado ayaa Risaala u sheegay in ay kala jabeen xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Baydhabo Janaayo 14, 2017 Ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ay maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen degaano hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolka Baay waxa ay sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha Amniga degmada Diinsoor ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Haajir ayaa waxaa uu sheegay in howlgallo ay ka fuliyeen degaanka Raaxoole ee gobolka Baay ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay dileen Amiirka Al-Shabaab ee dhanka Zakawaadka , islamarkaana ay gubeen Gaari uu saarnaa.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ay ka wadaan degaanada hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolka Baay.








January 2017

 


WARARKA MAANTA Janaayo 13, 2017

Muqdisho Janaayo 13, 2017 Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay dhawaaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo ku aadanaa in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa wa